Tuesday, April 22, 2025
Array

Daahfurka Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ah

Si looga hortago eedxa loo geysto qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka ee dowladda Soomaaliya, maanta waxaa la daahfuray hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ah, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo cududdada shaqaalaha Soomaaliyeed waa hadii si sax ah loo fuliyo.

Siyaasadani ayaa beddeli doonta nidaamka hore ee shaqaalaha dowladda, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta shaqo-gudashada, caddaaladda, iyo kartida shaqaalaha rayidka ah. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb galay daahfurka ayaa sheegay in qorshahan uu guul u yahay Qaranka, wuxuuna xusay in la doonayo in golaha wasiirrada iyo shaqaalaha dowladda dhammaantood si wadajir ah ugu addeegaan dankooda.

Xamse ayaa sidoo kale sheegay in ay qasab tahay dhamaan shaqaalaha dowladda iyo golaha wasiiradda la daariyo si loo hirgaliyo siyadaan cusub, qofkii aan dhaartaas marinna uu xafiiska ka baxayo.

“Shagaalaha dowladda ivo wasiirrada dhamaantood waa la dhaarinaa qofka aan marin dhaartaasna xafiska wuu ka baxayaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Siyaasaddan cusub, ayaa ku saleysan qiimayn buundo-tirsi oo gaareysa 1,000 dhibcood, iyadoo xaqiijinaysa mushaar la jaanqaadaya waxtarka shaqaalaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here