Wednesday, March 12, 2025

12 xarumood oo ganacsi ayaa ku gubatay DDS.

Maxamed Cabdi

Qabribayax, Dowlad Deegaanka Soomaalida – Magaalada Qabribayax ee gobolka Faafan ayaa shalay duhurnimadii argagax iyo cabsi la ciirciirtay, kaddib markii dab uu qabsaday xarumo ganacsi.

Magaalada Qabribayax ee gobolka Faafan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa shalay abaare labo duhurnimo waxaa ka kacay dab sababay khasaare naf iyo maal leh, sida ay sheegtay DDS. Dabka ayaa si gaar ah u saameeyay laba iyo toban (12) xarumood oo ganacsi, kuwaas oo u badnaa maqaaxiyo. Sidoo kale, hal qof ayaa ku dhaawacmay, inkastoo dhaawaciisu fudud yahay, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta deegaanka.

“Dabka wuxuu saameeyay 12 xarumood oo ganacsi, hal qof-na dhaawac fudud ayaa soo gaaray,” waxaa sidaa u sheegay warbaahinta Dowlad Deegaanka duqa magaalada Qabribayax, Khaalid Maxamed.

Duqa magaalada Qabribayax ayaa sidoo kale sheegay in dadaal ballaaran la sameeyay, isla markaana dadka deegaanka ay si dhaqso leh u gurmadeen, taasoo sababtay in dabka la xakameeyo oo uusan geysan waxyeello intaa ka badan. Wuxuu xusay in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban, dabku uu sababi lahaa khasaare kale oo baaxad leh.

Maamulka magaalada ayaa sheegay in weli la wado baaritaanno lagu ogaanayo sababta keentay dabkan. Duqa magaalada ayaa tilmaamay in marka baaritaanka la soo gabagabeeyo, bulshada lagu wargelin doono wixii natiijo ah ee soo baxa.

Sidoo kale, wuxuu xusay in mararka qaar wadada ay isticmaalaan baabuurta dab-demiska la waayo, taasoo caqabad ku noqota xakamaynta dababka dhaca. Wuxuu ugu baaqay bulshada iyo ganacsatada inay feejignaadaan, si gaar ah xilliyada dabeylaha iyo jiilaalka, maadaama ay yihiin waqtiyo dabku si fudud uga kici karo.

Ugu dambeyn, duqa magaalada Qabribayax ayaa u rajeeyay ganacsatadii ay waxyeelladu gaartay in Ilaahay beddel kheyr badan siiyo, wuxuuna ku dhiirrigeliyay bulshada inay mar walba isku gurmadaan marka ay dhacaan musiibooyinka dabiiciga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here