Tuesday, October 22, 2024

Dab xoogan oo ka kacay suuqa Addis Ababa

Muqdisho (Dawan)– Dab xooggan ayaa xalay ka kacay Suuqa Merkato ee ku yaal xaafadda Shema Tera ee magaalada ee magaalada Addis Ababa. Dabkan ayaa gaystay burbur xooggan oo soo gaaray dhismayaal, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha dalkaas.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dabku si xowli ah ugu fiday qaybaha kala duwan ee suuqa, iyada oo ay soo daaheen gaadiidaka dabdamiska.

Soo daahintaanka gaadiidaka dabdamiska ayaa loo aaneynayaa, inaysan marki hore ku jirin heegan iyo ciriiriga waddooyinka soo gala suuqa, taas oo sababtay in qasaaruhu sii ballaarto

War qoraal ah oo ay soo saatray Duqa magaalada Addis Ababa Adanech Abiebi, waxa ay ku muujisay sida ay uga xun tahay, qasaaraha ka dhashay dabka, waxayna tiri; “Aad ayaan uga xumahay burburka hantiyeed ee soo gaaray ganacsatada”

Sidoo kale waxa ay xustay in dowladdu dadaal badan ku bixin doonto sidii looga hortegi lahaa inuu soo noqdo dab sidaan oo kale ah oo ka kaca goobaha ganacsiga.

Duqa magaaladu waxay ku boorisay ganacsatada iyo dadka ka ag dhaw suuqa inay ka qayb qaataan dadaallada looga hortegayo masiibooyinka dabka ee mararka qaar ka dhaca goobaha ganacsatada.

Ilaa iyo hadda hay’adaha dowladdu ma sheegin qasaaraha dhabta ah ee soo gaaray ganacsatadii ku waysay hantidooda dabkii xalay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here