Friday, November 22, 2024

Dab xooggan oo baabi’yay suuqa weyn ee Wajaale

Wajaale (Dawan)- Dab xooggan ayaa baabi’yay suuqa weyn ee degmada Wajaale ee Soomaaliland.

Dabkaan ayaa fiidnimadii xalay ka kacay suuqa Wajaale, isaga oo geystay Khasaare hantiyadeed oo lagu qiyaasay malaayin.

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah goob-joogayaal, Dabku waxa uu socday ilaa shan saacadood, wuxuuna baabi’yay goobo ganacsi oo waaweyn inkasta oo aan ilaa iyo hadda la ogaan Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dabka.

Ganacsatada iyo dadka deegaanka Wajaale ayaa walaac ballaaran ka muujiyay Khasaaraha baaxadda leh ee ka dhashay Dabka oo saaameyn ku yeelan doona nolosha dad badan

“Dabka weyn ayaa billowday abaare 9-kii fiidnimo, wuxuu socday muddo saacado ah, wuxuuna baabi’iyay dukaamo iyo goobo ganacsi oo kala duwan. Dabku waxa uu ka billaabmay Bakhaar suuqa ku dhex yaal, wuxuuna  ku fiday suuqa intiisa kale”  ayuu yiri, Ganacsade Khadar Cabdi Muxumed.

Khadar ayaa sidoo kale tilmaamay caqabadaha ka hor yimid daminta Dabka kadib markii ay soo daaheen Gaadiidka dab damiska oo ka imaanayay  Gebilay iyo Hargeysa.

“Maanu helin wax dab-damis ah saacadihii u horeeyay ilaa ay nasoo gaaraan Gaadiidka dab damiska ah ee ka yimid Hargeysa iyo Gebilay. Dab damis la’aanta  magaalada ayaa keentay in dabka uu sii faafo, inkasta oo dadka deegaanku ku dadaalayeen sidii ay u damin lahaayeen Dabka” ayuu raaciyay Ganacsade Khadar.

Wasiirka Ganacsiga Soomsaliland, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) ayaa sheegay In Khasaaraha ka dhashay Dabka suuqa Wajaale yahay mid aad u ballaan isaga oo tilmaamay in guddi loo saari doono.

Dabka ka kaca  xilliyada habeenkii suuqyada  ayaa noqday arrin ku soo badaneysa suuqyada ku yaalla magaalooyinka iyo deegaannada ay Soomaalidu ay degto, iyadoo aan la ogeyn sababaha ka dambeeya dabkan.

Sannadkan gudihiisa, suuqa Taiwan ee Jigjiga, suuqa Beledweyne, suuqa magaalada Jowhar iyo suuqyo kale ayaa dab ka kacay mana jiro baaritaano la xiriirka sababta ka dambeysay oo loo soo bandhigay bulshada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here