Saturday, September 28, 2024

Dab xooggan oo ka kacay suuqa Bakaaro ee Muqdisho

Muqdisho (Dawan)- Dab xooggan ayaa subaxnimadii maanta oo Axad ah ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyada oo ay weli socdaan dadaalada lagu deminayo laguna badbaadinayo hantida ganacsatada.

Dabka ayaa ka kacay bakhaar ganacsi oo u dhaw qeybta Cabdalla-shideeye, waxeyna Maauulka Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah shirkadaha waaweyn iska kaashanayaan sidii looga hortei lahaa in dabku geysto khasaara badan.

War rasmi ah oo ku saabsan sababta keenttay iyo khasaaraha ka dhashay dabka weli lama soo saarin.

“Waxaan ku dadaaleynaa sidii aan dabka u xakameyn lahayn, si uusan ugu faafin dhismayaal kale. Dabdamiska dowladda Hoose ee Xamar iyo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa ku howlan daminta dabka. Dib ayaan idinkaga soo sheegi doonnaa waxa sababay iyo khasaaraha hantiyeed”. sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Degmada Hawlwadaag, Bashiir Cabdi Maxamed.

Ma aha markii ugu horreysay ee suuq Soomaali leedahay dab ka kaco, iyada oo waayadii ugu dambeysay ay soo badanayeen suuqayada gubanaya ee ku yaal magaalooyinka waaweyn ee Soomaalida, waxaana ganacsatada kasoo gaara inta badan khasaaro hantiyadeed .

Sannadki dhamaaday ee 2023-kii waxaa gubtay suuqa Taiwan ee Jigjiga, suuqa Beledweyne, suuqa magaalada Jowhar, Suuqa Xamarweyne, suuqa weyn ee Wajaale iyo qaar kale mana jiro baaritaan la sameeyay oo la xiriira sababta ka dambeysay oo loo soo bandhigay bulshada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here