Friday, November 22, 2024

Dad ku dhintay mudaaharaadyo ka dhashay natiijada doorashada Mozambique

Mozambique (Dawan)- Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay dalka Mozambique mudaaharaadyo looga soo horjeeday natiijada doorashadii madaxtinimo ee dhacday 9-kii bishaan October, taasi oo uu ku guuleystay musharaxa xisbiga FRELIMO Daniel Chapo.

Hay’adda madaxa banaan ee hufnaanta doorashooyinka ayaa sheegtay in dhimashada laga diiwaan galiyay qeybo kala duwan oo dalka ka mid ah, kadib rabshadihii ka dhashay doorashadii dalkaasi ka dhacday, oo dhaliyay dibadbaxyo ay dhalinyaradu hogaaminayeen.

Magaalada Maputo ee caasimadda Mozambique ayaa ka mid ah goobaha ay sida wayn uga dhaceen dibadbaxyadii ugu ballaarnaa kaddib markii lagu dhawaaqay in Chapo uu ku guuleystay ku dhawaad ​​71% codadkii la dhiibtay horaantii bishaan.

Xisbiga FRELIMO waxa uu xukunka haystay tan iyo markii Mozambique ay xornimada ka qaadatay Portugal 1975kii.

Xafiisyada xisbiga FRELIMO oo la gubay

Musharaxa madaxa banaan ee Venancio Mondlane, oo taageero ka helaya xisbiga horumarinta Mozambique (PODEMOS), ayaa kaalinta labaad soo galay isagoo helay 20% codadkii la dhiibtay.

Musharaxa ugu weyn mucaaradka Ossufo Momade, oo ka tirsan xisbiga RENAMO ayaa galay kaalinta seddexaad isagoo helay ku dhawaad ​​6% codadkii la dhiibtay.

Warbaahinta Mozambique ayaa ku warameysa in saddex xafiis oo uu leeyahay xisbiga talada haya ee FRELIMO inay dab qabadsiiyeen dibadbaxayaasha, iyadoo dukaanno dhowr ah la bililiqeystay, gaadiidna la gubay.

Boqolaal qof ayaa la xiray, iyadoo tirada rasmiga ah ee booliska ay muujinayso in 20 qof ay ku dhaawacmeen dibadbaxyada.

Madaxweynaha oo ku baaqay in la is dejiyo

Booliska dalkaas waxaa laga soo xigtay in ugu yaraan 8 askari ay ku dhaawacmeen mudaaharaadyada, waxaana jira ilaa 44 eedeysane kuwaas oo la furay dacwadooda.

Booliska ayaa adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala cayriyaan mudaaharaadyada sii xoogaysanaya ee looga soo horjeedo natiijada doorashada. Mucaaradku waxay ku doodayaan in la sameeyay musuqmaasuq iyada oo loo hiiliyay xisbiga talada haya, waxayna ku baaqeen in la baabi’iyo natiijada doorashada.

Madaxweynaha xilka ka degaya ee Mozambique Filipe Nyusi, oo dhameeystay labadiisi xilli ayaa ku booriyay muwaadiniinta inay is dejiyaan kana fogaadaan tillaabooyinka abuuri kaa amni xumo iyo qalalaaso.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here