Thursday, September 19, 2024

Dad looga shakisanyahay dilka mid ka mid ah shaqaalaha Hay’adda Duulista oo la xiray

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre ayaa faray hey’adaha amniga in ay baaritaan dhab ah ku saameeyaan, isla markaana ay gacanta ku soo dhigaan dhagar-qabayaasha ka danbeeyey dilkii muwaadin ka tirsanaa shaqaalaha Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo xalay meydkiisa laga helay gurigiisa, si caddaaladda loo horkeeno.

Boliiska Soomaaliya ayaa billaabay baaritaan la xiriira dilka  loo geystay,   Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan oo meydkiisa laga helay hoyga oo ka degan yahay Waaxda Janaraal Daa’uud ee Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

“Caawa fiidkii abaare 06:30 PM ayaa Saldhiga Boliiska Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaa soo gaartay xogta in meydka muwaadin uu yaalo gurigii uu dagaanaa oo ku yaala Waaxda Janaraal Daa’uud gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow.” ayaa lagu yiri, warbixin kasoo baxday Boliiska.

Boliiska Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay lix ruux oo lagu eedeeyay in ay  ku lug lahaayeen dilka marxuumka iyo sidoo kale caddeeymo loogu tegay goobta.

Warbixinta Boliiska ayaa lagu yiri. “Ciidanka Boliiska oo goobta gaaray, ayaa bilaabay baaritaano la xariira dhacdada, waxaana gacanta Boliiska hada ku Jira ilaa 6 eedeysane iyo caddeymihii goobta loogu tagay, waxaa socda baarista kiiskan wixii ku soo kordha dib ayaan bulshada kala wadaagi doonaa.”

Aabaha dhaley Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan  ayaa ka codsaday in maydka willkiisa lagu soo wareejiyo ee aan loo adeegsanin arrimo siyaasadeed.

“Inaan meydkaa la gelisin siyaasadda, la ii keeno,  ku samro, oo aan aasto,  intaa ayaan madaxda Soomaaliya ka codsanayaa” ayuu yiri, aabaha marxuumka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here