Sunday, September 29, 2024

Dadwaynaha Garissa oo ka cabanaya biyo la’aan

Garissa (Dawan)- Qaar ka mid ah shacabka ku nool magaalada Garissa ee gobolka waqooyi-bari Kenya ayaa dhigay dibadbax ballaaran oo ay kaga cabanayaan biyo la’aan muddo dheer haysatay. Dibadbaxayaashu waxay ismaamulka Garissa ka codsanayaan in si degdeg ah biyo loogu soo gaarsiiyo xaafadaha ay dhibaatadu saameysay.

Dadkan ku nool xaafadaha ay biyo la’aantu ku habsatay oo waddooyinka magaalada isugu soo baxay ayaa sheegay in aysan awoodin inay iibsadaan biyaha booyadaha lagu keeno ee magaalada dhexdeeda lagu iibiyo, maadaama ay yihiin dad aan awoodin kharashka biyaha oo sare u kacay. Waxay kaloo tilmaameen in biyaha laga keeno meelaha fog fog ay ku adkaatay helitaankooda iyo gaarsiintooda guryaha dadka baahan.

Shacabka oo caro ka muujinaya xaaladda biyo la’aanta ayaa cambaareeyay maamulka dowladda, iyagoo sheegay in aysan ka warqabin caqabadaha ba’an ee haysta bulshada, xilli cadceedda kulushahay oo ay aad muhiim u tahay helitaanka biyo nadiif ah.

Waxay sidoo kale sheegeen in aysan helin wax gurmad ah oo ka yimid dowladda, inkastoo ay cabashooyinkooda u gudbiyeen maamulka, isla markaana waxay ku adkeeyeen in dibadbaxyadooda ay sii socon doonaan ilaa inta laga fulinayo codsiyadooda.

Qiimaha biyaha ayaa aad u kordhay, waxaana fuusto biyo ah magaalada Garissa lagu kala iibsanayaa 10,000 oo shilin oo Kenya ah, taas oo ah qiime sare oo saameyn ku leh nolosha dadka danyarta ah ee halkaas ku nool.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here