Sunday, September 8, 2024

Dagaal beeleed sababay dhimasho oo ka dhacay Galgaduud

Galgaduud (Dawan)- Dagaal dhimasho iyo dhaawac  badan ka dhasheen ayaa saacadihii ugu danbeeyay  ka socday deeegaano hoostaga gobolka  Galgaduud.

Beelo walaalo ah  oo wada daga gobolka Ggalgaduud ayuu lagu soo waramaya inuu dagaal ku dhax maray deegaanada u dhaxeeya Hulkujir iyo Qalaanqale ee gobolka Galgaduud.

Wararka la helaayo waxa ay tilmaamayaan in dagaalku billaawday xilliyadii dambe ee shalay.

Khasaare baaxad leh ayaa ka dhashay dagaal beeleedkaan iyadoo toboneeyo qof ay ku geeeriyodeen dagaalka, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo intaas ka badan oo labada dhinac ah.

Dadkii ku dhawaacmay dagaalka ayaa loola cararay magaalooyiinka Caabudwaaq iyo Xeraaale, si ay u helaan gargaar caafimaad.

Gabi ahaanba waxaa go’an  isgaarsiinta deeegaanada lagu dagaalamayo sida ay xaqiijisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug, taas oo yareysay fursadaha lagu heli karo xog dhameystiran oo ku saabsan dagaalka iyo xaaladda deegaanada uu dagaalku ka dhacay.

Deegannada Galmudug, waxaa kusoo noqnoqday dagaallada u dhexeeya beelaha wada dega, kuwaas oo sababa khasaaro isagu jira naf iyo maal, inkasta oo ugu dambeyn la gaaro heshiisyo nabadeed oo aan ku taagnayn cago adag.

Dhawaan ayay ahayd markii Wasaaradda Gudaha Soomaaliya ay soo saartay baaq ku saabsan in la joojiyo colaadda beelaha ee ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka, waxeyna ku baraarujisay bulshada in laga qeyb qaato nabadeynta iyo baahinta nidaamka dowlanimada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here