Monday, September 16, 2024

Daminta dab ka kacay suuqa Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo lagu guuleystay

Muqdisho (Dawan)- Waxaa lagu guuleystay daminta dab ka kacay Suuqa Xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee Degmada Garasbaaleey ee Gobolka Banaadir.

Dabka, ayaa saaka aroortii ka kacay  Suuqa weyn ee xaafaddaas, kadib markii qaraxyo aan la ogaanin ilaa iyo hadda waxa ay yihiin laga maqlay suuqa.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa sheegay in hoobiyayaal lagu garaacay suuqa halka ay jiraan warar kale oo tilmaamaya in walxaha qarxa la dhigay suuqa taas oo dhalisay dabka.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in maalmahaan dambe Suuqa lagu xirayay kaamirooyinka amniga, taas oo u muuqata inay la xiriirto gubashada iyo qaraxyada. Inkastoo dabka uu ahaa mid weyn oo ay aad u adkeyd in la damiyo, haddana ugu dambeyn waa lagu guuleystay in la damiyo.

Waxaa xusid mudan in sidoo kale dhowr todobaad ka hor sidan oo kale qaraxyo ay ka dhaceen suuqyada Marwa iyo Safa ee Deegaanka Ceelasha Biyaha taas oo keentay in hanti badan ay ku baaba’do.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here