Thursday, September 19, 2024

Danjiraha Soomaaliya ee Kuwait oo warqadaha aqoonisga laga gudoomay

Kuwait (Dawan)- Danjiraha cusub ee Soomaaliya u magacaawday dalka Kuwait, Dr. Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa maanta oo Arbaca ah waxa nuqul kamida Waraaqihiisa danjirenimo ka guddoomay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi, Cabdullaahi Al Yahya.

Danjiraha ayaa u gudbiyey madaxda dalka Kuwait farriinta salaan ah oo uu ka siday madaxda uga sareysa ee dalka Soomaaliya sida Madaxweynaha, Ra’iisul-wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Salaanta iyo soo dhawaynta kadib waxa ay labada dhinac is dhaafsadeen wada-hadalo mira dhal ah oo la xiriira xoojinta xiriirka labada dal oo dhinacyo badan leh, si looga mira dhaliyo himilada labada shacab.

Danjire Cabdullaahi Maxamed Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’antahay inuu ka shaqeeyo sii ballaarinta dhinacayda ay iska kaashanayaan labada dal, iyada oo la eegayo arrimaha danta u ah labada shacab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here