Barnaamij ballaaran oo lagu horumarinayo wax soo saarka galleyda ayaa si rasmi ah looga daahfuray deegaanka Baraqaajo iyo degmada Qabri Baxar ee gobolka Faafan. Barnaamijkan oo lagu beeri doono kumanaan hektar oo dhul ah ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin heer federaal iyo heer deegaan ah.
Munaasabadda furitaanka mashruucan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaaliya, Eng. Maxamed Gaale, Wasiirka Xafiiska Beeraha ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) Cabdulaahi Maxamed Muuse, maamulka gobolka Faafan, iyo mas’uuliyiin ka socday degmooyinka laga hirgelinayo barnaamijkan.
Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS, Cabdulaahi Maxamed Muuse, ayaa ka hadlay muhiimadda uu barnaamijkani u leeyahay beeraleyda deegaanka iyo kor u qaadista wax soo saarka gudaha. Wuxuu bulshada beeraleyda ah ugu baaqay in ay si wanaagsan uga faa’iideystaan fursadan, isaga oo carrabka ku adkeeyay in xafiiskiisu diyaar u yahay inuu bixiyo dhammaan taageerada farsamo iyo agabka lagama maarmaanka u ah beeraleyda.
“Dafurka Xilliga Beereedka Galeyda: Waxaa la qorsheynayaa in 10,500 hektar oo dhul ah laga beero galley saddexda degmo ee la xushay, si looga faa’iideysto xilliga roobka ee soo socda. Sida aad la socotaan, xilliga roobka waa soo dhow yahay, waxaana muhiim ah inaan howsha diyaargarowga bilowno ka hor inta uusan roobku imaan.” ayuu yiri Cabdulaahi Maxamed Muuse
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in loo baahan yahay in bulshada beeraleyda ah lagu wacyigeliyo hababka casriga ah ee beeraha si wax soo saarku u kordho loogana faa’iideysto xilliyada roobka. Wuxuu intaas ku daray in beeraleyda loo baahan yahay in ay isticmaalaan farsamooyinka cusub si loo xoojiyo wax soo saarka gudaha, iyadoo la yareynayo ku tiirsanaanta cunnada dibadda laga keeno.
Maamulka gobolka Faafan iyo mas’uuliyiinta degmooyinka laga fulinayo barnaamijkan ayaa sheegay inay si buuxda u taageeri doonaan beeraleyda, iyagoo ballan qaaday inay siiyaan agabka lagama maarmaanka u ah. Waxay sheegeen inay ka go’an tahay dhisidda bulsho beeraley ah oo awood u leh inay daboolaan baahiyaha cunnada ee deegaanka.
Barnaamijkan beerista galleyda ayaa la filayaa inuu horseedo koror weyn oo ku yimaada wax soo saarka dalagyada, gaar ahaan galleyda, isagoo sidoo kale dhiirrigelinaya beeraleyda deegaanka in ay ka faa’iideystaan fursadaha beeraha. Waxaa la rajeynayaa in mashruucan uu abuuro shaqooyin cusub, kordhiyo wax soo saarka, iyo in uu kaalin weyn ka qaato horumarinta dhaqaalaha gobolka Faafan.