Thursday, March 13, 2025

DDS oo billaabeysa tallaalka Dabaysha

Maxamed Cabdi

Jigjiga, DDS – Xafiiska caafimaadka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa shaaciyay in la bilaabi doono olole ballaaran oo talaalka dabaysha (polio) ah oo socon doona afarta maalmood ee u dhaxaysa 14-ka ilaa 17-ka bisha Juun 2017 ee tirsiiga Itoobiya. Talaalkan ayaa si rasmi ah looga fulin doonaa guud ahaan deegaanka si looga hortago faafitaanka cudurka dabaysha.

Wasiir ku xigeenka xafiiska caafimaadka DDS, Xaawo Saleeban, ayaa sheegtay in sanadkan 2024, guud ahaan caalamka laga diiwaan geliyay 183 kiis oo dabaysha ah oo laga helay 16 wadan. Itoobiya ayaa ka mid ah wadamada uu cudurkani saameeyay, iyadoo laga soo gudbiyay 39 kiis oo ka yimid 10 dowlad deegaan oo dalka ka tirsan, Deegaanka Soomaaliduna uu ka mid yahay. Xaawo Saleeman waxay xustay in saddex kiis oo cudurkan ah laga helay deegaanada Mooyaake, Galafe, iyo Jarate.

Ololahan talaalka ayaa lagu talaali doonaa in ka badan hal milyan iyo afar boqol oo kun oo caruur ah kuwaas oo da’doodu ka yartahay shan sano. Wasiir ku xigeenka ayaa waalidiinta ugu baaqday in ay carruurtooda keenaan goobaha talaalka si ay uga faa’iidaystaan fursadan caafimaad.

“Waxaan leeyahay maadaama talaalka muhiim yahay oo waxyeelladiisa horey loo garanayo, waalidiinta waxaan leeyahay inay carruurtooda shan jir ka yar ee guriga ku nool uga faa’iideeyaan talaalkan,” ayay tiri Xaawo Saleeban.

Waxaa la rajeynayaa in ololahan talaalka uu door weyn ka qaato yareynta iyo ka hortagga faafitaanka cudurka dabaysha ee deegaanka. Xafiiska caafimaadka DDS ayaa sidoo kale qorsheynaya wacyigelin dheeraad ah si bulshada looga dhaadhiciyo muhiimadda tallaalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here