Jigjiga (Dawan)- Degmada Mooyaale ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa shalay si rasmi ah looga daahfuray ol’olaha tallaalka ciribtirka cudurka dabaysha (Polio). Warbaahinta ku hadasha Afka DDS ayaa sheegtay in daahfurka ol’olahan ay si wadajir ah isaga kashadeen maamulka gobolka Daawa, maamulka degmada Mooyaale, iyo xubno ka socda Xafiiska Caafimaadka DDS.
Ol’olahan oo socon doona muddo afar maalmood ah, waxaa si gaar ah u fulinaya Xafiiska Caafimaadka DDS, kaddib markii cudurka dabaysha laga helay qaybo ka mid ah degmada Mooyaale.
Madaxa xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee gobolka Daawa, Aadan Macallin Yuusuf, oo ka hadlay daahfurka ol’olaha, ayaa sheegay in tallaalkan degdegga ah loo qorsheeyay si looga hortago faafitaanka cudurka. Waxa uu intaas ku daray in cudurku halis ku yahay bulshada, gaar ahaan carruurta.
Sidoo kale, xubno ka socda Xafiiska Caafimaadka DDS ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimada tallaalka degdegga ah, iyaga oo sheegay in dadaalka lagu xakameynayo cudurka uu qayb ka yahay qorshe ballaaran oo loo dejiyay in lagu ciribtiro cudurka dabaysha.
Waxaa sidoo kale la shaaciyay in tallaalka laga fulin doono qaybo ka mid ah gobolka Liibaan, halkaas oo la diiwaan geliyay kiisaska cudurka dabaysha. Xafiiska Caafimaadka DDS ayaa xaqiijiyay in gobollada Daawa iyo Liibaan ay diiradda saarayaan ol’olahan, si looga hortago halista cudurka dabaysha.