Sunday, September 8, 2024

DDS oo qorsheyneysa in laga maarmo Bariiska dibadda laga keeno

Jig-jiga (Dawan)- Madaxwayne ku xigeenka Dowlad Deegaanka Soomaalida, Ibraahim Cusmaan ayaa sheegay in ay qorsheynayaan sannadkan in la beero 3 kun oo hectare oo bariis ah, si bulshada loo gaarsiiyo isku filnaansho xagga cuntada ah.

Hadalkan ayuu Madaxwayne ku xigeenku ka sheegay xilli uu xariga ka jarayay mashaariic laga fuliyay gobollada Qoraxay, Shabeelle iyo Afdheer iyada oo kuwa kale oo la dhgaxdhigay.

Mashaariicda xriga laga jaray ayaa waxaa ka mid ah mashruuca Tamarta Qorraxda laga dhaliyo ee tuullooyinka Kalamaan iyo Buur-gaabo ee degmada Qallaafe, iyo mashruuca biya-galinta xarunta Degmada God-God iyo Gabriile oo ay ka faa’iidaysan doonaan in ka badan 18 kun oo qof.

Dhinac kale, waxaa Degmada Elele laga dhagax dhigay billaawga Mashruuca biyo-gelinta degmadaas oo muddo 10 bilood ah lagu soo gabagabayn doono, sida la qorsheeyay.

Madaxwayne ku xigeenka, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in mashaariicda xariga laga jaray iyo kuwa la dhagax dhigay in ay qayb ka yihiin ka jawaabidda ballanqaadyadii Xisbiga iyo Xukuumaddu ay hore ula galeen shacabka.

“Saddexda sano ee soo socota waxaan ku talo jirnaa in aan beerno 20 kun oo hectare oo Bariis tijaabo ah, taasi oo lagu beeraayo 7 degmo, si looga maarno wax-soo-saarka dibadda loona gaadho isku filaansho dhanka dammaanad-qaadka cunnada ah” ayuu yiri, Madaxwayne ku xigeenku.

Ibraahim Cusmaan, ayaa intaas ku daray; in sannadkan la qorsheeyay in la beero 3 kun oo hectare oo Bariis ah, iyada oo la gaarsiiyay abuurka Bariiska iyo taageerooyin kale goobihii laga beeri lahaa si qorshaha loo fuliyo.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in qorshaha xukuunmadda ay ka mid tahay in mashruuca waraabka Galbeedka Goday laga beero 7600 hectare oo dalag kala duwan, wuxuuna ugu baaqay bulshada in ay ka qayb qaataan dadaalka wax soo saarka beeraha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here