Jigjiga (Dawan)- Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa ku dhawaaqday in diyaar garowgii ugu dambeeyay lagu soo gabagabeeyay raridda abuurka tayaysan ee loogu talagalay beeralayda deegaanda kala duwan
Siada ay sheegatay warbaahinta afka dowlada deegaanka ku hadsaha Maareeyaha Shirkadda Abuurka Xulka Beeraha ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, Cabdulaahi Muxumed Faarax, ayaa sheegay in abuurkan, oo ah nooca galleyda ee loo yaqaano Malkasa 4, la xaqiijiyay inuu ku habboon yahay xaaladaha deegaanka, islamarkaana uu wax ka beddeli doono tirada iyo tayada waxsoosaarka deegaanka.
Abuurkan oo tiradiisu tahay 4,000 kiintaal ayaa loo qorsheeyay in la gaarsiiyo 39 degmo oo ka tirsan 8 gobol oo ka tisan DDS.
Xafiiska Beeraha ayaa sanad walba dhowr jeer abuurkan tayaysan ka iibsada Shirkadda Abuurka Xulka Beeraha, si loogu qaybiyo beeralayda xilli-roobaadyada kala duwan, iyadoo ay ka mid tahay dadaallada lagu xoojinayo waxsoosaarka beeraha deegaanka sida uu sheegay xafiiska.
Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa ka socda dadaalo kor loogu qaadayo wax soo saarka beeraha si loo xaqiijiyo damaanad qaadka cuntada ee dadka ku nool deegaanka
Guud ahaan dhulka la beeri karo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa lagu qiyaasaa ilaa 10 milyan oo hiktaar, waxaana laga soo saari kara dalagayda kala duwan.