Thursday, September 19, 2024

DDS… Shabeeley oo lagu beeray 25,000 oo geed

Jigjiga (Dawan)- Degmada Shabeeley ayaa dhameystirtay mashruuc dhir beeris ah oo lagu abuuray 25,000 oo geed, taasoo qayb ka ahayd dadaallada lagu qurxinayo laguna horumarinayo xarunta dalxiiska ee Shabeeley.

Mashruucan oo qayb ka ah qorshe ballaaran oo loogu talagalay in la kobciyo deegaanka iyadoo dhirtan lagu beeray si looga hortago isbeddelka cimilada loona xoojiyo bilicda deegaanka.

Mashruuca goobta dalxiiska ee Shabeeley oo loo qorsheeyey in lagu beero 300,000 oo geed ayaa demagada shabeeleey waxaa uga soo aaday 25000 oo geed waana lasoo gabagabeeyay sida maamulku sheegay.

Mashruuca dhir beerista ee degmada Shabeeley waxaa si rasmi ah loo bilaabay bilowga sanadka 2024 iyada oo goobta dalxiiska Shabeeley ay noqotay xarunta laga bilaabay dhir beerista, si kor loogu qaado qurxinta deegaanka iyo ilaalinta cimilada

Guud ahaan, barnaamijka ka socda deegaanka Soomaalida waxaa lagu tala galay in la beero 2.5 milyan oo geed sanadkan, iyadoo Shabeeley ay ka mid tahay meelaha laga fulinayo mashruucan ballaaran​.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here