Saturday, September 21, 2024

DDS… Soo goynta Bariiska Sitti oo la billaabay

Jigjiga (Dawan)- Maamulka gobolka Sitti ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in lagu guuleystay mashruuc lagu tijaabinayey beerista bariiska, iyada oo hadda si rasmi ah loo bilaabay goynta dalagyadii ka soo baxay mashruucaas, kaas oo ka kooban 120 hectare.

Qorshaha mashruucaan laga leeyahay ayaa ah in la ballaariyo wax-soo-saarka dhanka isku filnaanshaha cuntada , si looga kaaftoomo Bariiska laga keeno dibadda, waxayna mas’uuliyiitu sheegyeen in tillaabadan ay muujinayso in horumar laga sameeyey dhinaca beeraha, iyadoo beeraleyda deegaanka ay si weyn uga qayb qaateen mashruuca.

Halki hectare oo la beero waxaa kasoo go’aya ilaa 60 kiintaal oo Bariis ah, taas oo wax weyn ka tari doonta dhaqaalaha deegaanka.

Haray waxaa sidaan oo kale u hirgalay tijaabo beerista Bariiska ah oo laga sameeyay Degmada Beer-caano ee galbeedka Godey.

Bishii March 21 keedii aya la daah furay mashruuca beerista Bariiska, waxaana shan bilood kaddib lagu guuleystay in laga soo gooyo beeraha si loo isticmaalo.

Arrintan ayaa ku soo beegantay kaddib markii Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu dhawaan ku dhawaaqay in wax soo saarka Bariiska ee sanadkan la filayo inuu dhaafo kan sanadkii hore, taas oo sii xoojinaysa dadaallada dalka ee horumarinta wax soo saarka gudaha.

Guud ahaan dhulka la beeri karo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa lagu qiyaasaa ilaa 10 milyan oo hectare, waxaana laga soo saari kara dalagayda kala duwan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here