Thursday, September 19, 2024

DDS: Tijaabada beerista Bariiska waa lagu guuleystay

Jigjiga (Dawan)- Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in lagu guuleystay mashruuc tijaaaba ahaa oo lagu beeray Bariiska kaas oo laga hirgeliyay Degmada Beer-caano ee galbeedka Godey.

300 oo Hectare ayaa lagu tijaabiyay beerista Bariiska, iyada oo qorshuhu yahay in la ballaariyo wax-soo-saarka dhanka isku filnaanshaha cuntada , si looga kaaftoomo Bariiska laga keeno dibadda.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Itoobiya, Temesgen Tiruneh iyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar, ayaa daah furay goynta Bariiska Mashruuca Waraabka Galbeedka Godey ee degmada Beer-caano oo dhan 300 oo Hiktar.

Munaasibadda lagu daah-furayay Bariiskan waxaa sidoo kale goob joog ahaa Madaxwayne kuxigeenka Xisbiga xukuma Itoobiya ee Barwaaqo ahna ra’iisul wasaare kuxigeen dhanka Dhisidda Nidaamka Dimuqraadiyadda Aadan Faarax Ibraahim, Wasiirka Maaliyadda, Axmed Shide, Madaxwayne Kuxigeenka DDS, Ibraahim Cusmaan Faarax, Wasiirka Beeraha Dr. Girma Amante iyo mas’uuliyiin kale.

Bariiskan oo la tijaabiyay ayaa la sheegay in lagu guulaystay, waxa uuna qorshuhu noqon doonaa in la sii ballaariyo wax-soo-saarkiisa, si looga kaaftoomo midka dibadda uga imaan jiray Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Bishii March 21 keedii aya la daah furay mashruuca beerista Bariiska, waxaana shan bilood kaddib lagu guuleystay in laga soo gooyo beeraha si loo isticmaalo.

Wax soo saarka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa ahaa ka hor isbedelka 7 Milyan oo kintaal halka hadda la gaarsiiyay 26 Milyan oo Kintaal, sida uu sheegay Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar.

Axmed Cumar (Afjar) oo kamid ah, iskaashatada Kaamil Farm Product ee maalgashaday beerista Bariiska, kana mid ah qurbajoogta Deegaanka ayaa yiri; “In aad cunto Bariis aad adigu beeratay (dhulkaaga) iyo in aad cunto mid dibadda kaaga yimid oo dad shisheeye ay beerteen way kala dhadhan duwanyihiin”

1750 Hectare oo isugu jira noocyada kala duwan ee wax-soo-saarka sida; Bariis, Sisin, Gallay, Masago iyo khudaarta qaybaheeda kala gadisan ayaa ka beeran agagaarka Mashruuca Waraabka Galbeedka Godey, kuwaas oo ka faa’iidaystay biyaha Wabiga Shabeelle.

Guud ahaan dhulka la beeri karo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa lagu qiyaasaa ilaa 10 milyan oo hectare, waxaana laga soo saari kara dalagayda kala duwan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here