Thursday, September 19, 2024

Deegaano ka tirsan Mandera oo laga mamnuucay qaadka

Mandera (Dawan)- Culimada, Odayaasha iyo dhallinyrada deegaanada Ashabito iyo Moroodiley ee ku yaal Waqooyiga ismaamulka Mandhera ayaa isku raacay in la mamnuuco isticmaalka qaadka iyo ka ganacsigiisa kadib wad tashiyo ay ka yeesheen saameynta uu bulshada ku leeyahay.

Dadka deeganka ayaa ku doodaya in qaadku uu curiyaamiyay dhaqalaha magaalada waxayna sheegen in uu kaalin weyn ku leeyahay burburka qoyska maadaama ay ragga cuna ay ku lumiyaan waqti badan iyo dhaqaalo dheeraad ah.

Qaaadka ayaa saamayn ku yeeshay dhallinyrada deeganka Ashabito taas oo keentay in mustaqbalkooda waxbarasho uu galo mugdi, sid ay qabaan dadka deegaanka.

Culimada, Odayaasha iyo dhalinyarada oo is kashanaya ayaa lacag guddoonsiiyay shaqsiyaadki ka ganacsanaayay qaadka si ay ugu tanaasulaan ibiintiisa una billaaban ganacsi kale.

Dadka deeganka ayaa soo saaray go’aano ay ka mid yihiin in gabadh an la sin doonin qofka qaadka cuna meesha uu doonaba ha ka yimaadee. waxayna Sido kale soo saaren sharuudo adag oo lagula dhaqmayo qofka qaadka ku isticmaala gudaha Ashabito.

Waxaaa go’aanka dadka deeganada taageeray Xildhibaanka deeganka Maroodilay ku metala maamulka Mandera Aadan Cali Xuseen oo ku hadlayay sidoo kale afka Xildhibaanka deeganka Ashabito

Dhanka kale dadka iibiya qaadka ama kuwa isticmaala ee deeganka Ashabito ayaa iyaguna diiday islamarkaana kasoo horjeestay go`aanka odiyaasha iyo culimada , waxayna sheegen in ka ganacsiga qaadka ay nolashooda iyo mid qoyskaba ku maareeyan, iyaga oo ku tilmaamay qaadka inuu ka mid yahay qudaarta caanka ka ah dalka Kenya.

Ganacsatada qaadka ayaa sidoo kale sheegay inay ka qaybqaataan xoojinta ganacsiga dalka iyaga oo ku iibiya qaadka meel bannaan oo magaalada ka baxsan si loo ilaaliyo bilicda deegaanka.

Qaadka oo ka baxa deeganada Meru iyo Embu ayaa ah ishaa labaad ee dhaqalaha dalka Kenya marka laga soo taago caleenta shaaha oo si aad ah loogu iibiyo gudaha dalka halka sidoo kale loo dhoofiyo daafaha dunida.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here