Muqdisho, Soomaaliya – Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in la furay codsiyada deeqaha waxbarasho ee MAECI ee sanad-dugsiga 2025/2026, taas oo ay bixiso Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Talyaaniga. Deeqdani waxay si gaar ah loogu talagalay ardayda ajaanibta ah oo ay Soomaalida ku jirto iyo muwaadiniinta Talyaaniga ee ku nool dibadda.
Bayaan rasmi ah oo lagu daabacay barta X ee safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya maanta ayaa lagu sheegay in furitaanka codsiyada la bilaabay islamarkaana la xirayo 16-ka May 2025.
Noocyada Deeqaha Waxbarasho:
Deeqaha MAECI waxay daboolayaan barnaamijyo kala duwan oo ay ka mid yihiin:
- Master-ka,
- PhD ama daraasado sare,
- Cilmiga Farshaxanka, Muusikada, iyo Dhaqanka (AFAM),
- Mashruucyo cilmi-baaris ah oo kormeero aqooneed leh,
- Koorsooyin horumarsan oo af Talyaani iyo dhaqan ah,
- Degree-ga koowaad ee Jaamacadda ee ardayda ka qalin jebinaya dugsiyada Talyaaniga ee Afrika.
Shuruudaha Codsiga:
- Codsaduhu waa inuu haystaa baasaboor ama aqoonsi sax ah.
- Waa inuu buuxiyo shuruudaha waxbarasho ee jaamacadda Talyaaniga ee uu doonayo.
- Waa inuu buuxiyaa da’da lagu xaddidayo barnaamijka uu codsanayo (28–40 sano).
- Waa inuu haysto shahaado caddeyneysa heerka luqadda Talyaaniga ama Ingiriiska, iyadoo ku xiran barnaamijka.
Faa’iidooyinka Deeqda:
- Lacag dhan €9,000 oo la bixinayo muddo 9 bilood ah.
- Caymis caafimaad.
- Ka dhaafid ama dhimista qarashaadka waxbarasho (iyadoo ku xiran jaamacadda).
- Fursad lagu barto jaamacadaha ugu fiican Talyaaniga.
Ujeedada deeqdan ayaa ah in la xoojiyo iskaashiga waxbarasho iyo dhaqameed ee u dhaxeeya Talyaaniga iyo dalalka saaxiibka la ah, oo ay Soomaaliya ku jirto. Arday badan oo Soomaaliyeed ayaa horey uga faa’iiday deeqdan, gaar ahaan kuliyadaha injineeriyadda, caafimaadka, iyo xiriirka caalamiga ah.
Safaaraddu waxay ku boorrisay ardayda inaysan sugin daqiiqadihii ugu dambeeyey si ay uga fogaadaan culeys ku yimaada barta codsiga.