Sunday, September 8, 2024

Deg-deg: Maxkamadda oo bari yeeshay Koofi, Cabdul iyo Saabey

Muqdisho (Dawan)- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa bari yeeshay Agaasimayaashii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Jimcaale (Kofi) iyo Cabduqaadir Cilmi Cali  iyo Agaasimahii hore ee waaxda Canshuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda, Muxudiin Xasan Jurus (Saabeey)

Maxkamadda ayaa sidoo kale fartay hay’adaha ay ka tirsanyihiin eedeysanayasha lagu waayay dambiyada in xuquuqdooda sharci dib loogu soo celiyo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta go’aan kasoo saartay 12 eedeysane oo ka mid ah 25 eedeysane oo hore loogu eedeeyay lunsashada hanti dowladeed oo kor u dhaafeysa 21 Milyan oo doollar.

Eedeysanayaalka maanta la xukumay ayaa ka kala tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Maxkamaddu waxey sheegtay in ciddii aan ku qanacsaneyn xukunka ay qaadan karto racfaan, muddada uu sharcigu u ogolyahay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here