Thursday, September 19, 2024

Degdeg: Is rasaasayn ka dhacday agagaarka guriga Donald Trump

New York (Dawan)- Xafiiska ololaha musharaxa xisbiga Jamhuuriga ah madaxtinimada Mareykanka, Donald Trump, oo war soo saaray ayaa sheegay in Trump oo nabad qabo kadib markii is rasaasayn ay ka dhacday meel u dhaw gurigiisa.

Madaxa xiriirka ee ololaha Trump, Stephen Cheung ayaa xaqiijiyay in Trump uu ku sugan yahay magaalada Palm Beach ee gobolka Florida, isaga oo caafimaad qaba.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka, Trump wuxuu golf ku ciyaarayay Palm Beach, markii laba qof ay rasaas isku weydaarsadeen bannaanka meesha uu ku sugnaa Trump, taas oo abuurtay cabsi badan.

Ciidamo dheeraad ah ayaa goobta gaaray, waxayna xaqiijiyeen in asyan jirin wax weerar ah oo lagu soo qaaday Donald Trump, iyaga oo billaabay baaritaano la xiriira dhacdadan.

Booliska degmada Martin ayaa xiray qof looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa is rasaasaynta ka dhacday agagaarka guriga Trump, iyagoo xaqiijiyay inuu yahay nin caddaan ah.

Bishii July 13-keedii, Trump waxa uu ka badbaaday isku day dil, waxaana dhaawac fudud ka soo gaaray dhegta, ka dib markii rasaas lagu furay xilli uu khudbad u jeedinayay taageerayaashiisa gobolka Pennsylvania.

Trump ayaa sidoo kale ka badbaaday isku day dil sannadihii 2016 iyo 2017. 

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here