Sunday, September 22, 2024

Dekadaha oo guul darro culus kala soo laabtay isreeb-reebka CAF Champions League

Tuunis (Dawan)- Kooxda Dekadaha ayaa kasoo hartay tartanka  isreeb-reebka koobka kooxaha qaaradda Afrika (CAF Champions League) kadib markii ay guul darro culus kala kulantay dhiggeeda Tunisia ee Esperance.

Kulankii labaad ee xalay dhacay ayaa ku dhamaday 8-0 halka kulanki koowaad looga badiyay Dekadaha 4-1. Labada kulanba waxay ka dhaceen dalka Tuunis.

Natiijada ayaa ka dhigan in Kooxda Dekadaha ay u gudbiwaysay heerka group-yada ee koobka kooxaha qaaradda Afrika.

Naadiga Dekadaha ayaa 36-sano kadib noqotay naadigii ugu horeeyay ee ka socda Soomaaliya oo soo gaara wareegga labaad ee heerka isreeb-reebka koobka kooxaha qaaradda Afrika.

Markii ugu dambeysay ee koox Soomaaliyeed ay usoo baxdo wareegaan waxay aheyd sanadkii 1988, markaas oo kooxdii Wagad ay gaartay wareega labaad ee isreebreebka, ka dib markii ay ka badisay kooxdii ka socotay Rwanda ee Panthers Nuwar.

Safarkii kooxda Wagad waxa uu soo gabagaboobay wareegi labaad kadib markii ay guul darro culus kala kulantay kooxda Suudaan ee Al Hilaal oo celcelis ahaan uga badisay labada kulan 1/7

Esperance ayaa ka mid ah kooxaha ugu magaca weyn qaaradda Afrika, waxayna koobka CAF Champions League qaaday afar mar, oo ay ugu dambeysay sanandkii 2019kii, halka ay horyaalka Tuunis ku guuleysatay 33 jeer.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here