Sunday, September 8, 2024

Dhageysiga dacwad musuq-maasuq oo lasoo gabagabeeyay

Muqdisho (Dawan)- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhameystirka dhagaysiga garmaqalka 9-aad ee kiis dacwadeedka musuq-maasuq ee loo heysto eedeysanayaalka kala ah Cabdiraxmaan Cabdikariin Ibraahim, Cabduwaaxid Muxsin Ibraahim, Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar.

Fadhiga Maxkamadda ee maanta ayaa uu ku saabsanaa dhameystirka difaaca qareenadda iyo gebagebada fadhiyadda kiiskan ee dacawada musuq-maasuqa.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sidoo kale soo gebagebeeyey eedda uu u haysto eedeysanayaasha, wuxuuna Maxkamadda ka codsaday in eedeysanayaasha ay ku hesho qodobadda lagu soo eedeeyey iyo in Maxkamaddu ku xukunto ciqaabta ugu sarreysa ee ku xusan qodobadda lagu soo eedeyey.

Dhanka kale Qareenada difaacayey eedeysanayaasha ayaa dhankooda soo jeediyey geba-gebada difaacooda eedda xeer ilaalinta ay ku eedeysay eedeysanayaasha, waxayna Maxkamadda ka codsadeen inay texgeliso codsigooda ku aadan in eedeysanayaasha xuriyadooda dib loo siiyo lana sii daayo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud oo soo xiray fadhiga Maxkamadda ayaa sheegay in Maxkamaddu ay go’aan u dirtay galkaan, gadaalna ay ka soo sheegi doonta ku dhawaaqista kiiskaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta la dagalaanka musuq-maasuqa, waxaana waayadii ugu dambeeyay lasoo eedeeyay mas’uuliyiin badan kuwaas oo badankood ay u baxsadeen dalka dibaddiisa.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay inay socoto baarista dadcwado kale oo musuq-maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne ah, iyada oo loosoo gudbin doono maxkamadda ku shaqada leh marka lasoo dhameeyo baaritaanadaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here