Saturday, September 7, 2024

Dhaxalkii laga helay doorashadii 15-kii May 2022

Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray Agaasimhii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka, Fahad Yaasiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu la wareegay dal hal dastuur leh. Laba sano kaddib , dalku wuxuu leeyahay labo Dastuur.

𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 waxay haysataa kii sharciga ahaa ee heshiiska lagu wada ahaa (2012). Dawladda Federaalku waxay leedahay dastuur cusub oo Madaxweynuhu saxiixay, oo lagu muransanyahay (2024).

𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 iyadana keedii bay haysataa oo wada hadalladii god dheer bay kasii hoobanayaan.

Madaxweyne Xasan wuxuu dalka ka abuuray qalalaase dastuur iyo khilaaf ay Soomaalidu ka soo gudubtay 2012kii. Wuxuuna dalka dib ugu celinayaa marxaladdii wada hadalladii dastuurka ee shirarkii 𝐆𝐚𝐫𝐨𝐰𝐞 𝟏 𝐢𝐲𝐨 𝟐.

Taariikhda dalka, laga soo bilaabo 𝟏𝟗𝟔𝟎 𝐢𝐥𝐚𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟒, Xasan Sheekh waa Madaxweynihii ugu horeeyey ee si dimuqraadi ah loo doortay ee ka guuray dastuurkii lagu dhaariyay, una wareegay dastuur aysan umadda heshiis ku ahayn, wuxuuna u dhaqmayaa sidii Madaxweyne dalka INQILAAB ku qabsaday oo kale.

Laba sano kaddib dhawr arrimood oo aan kaga digay waraysigii ugu horreeyay ee aan bixiyay ayaan doonayaa inaan dib wax uga iftiimiyo maalmaha soo socda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here