Sunday, September 8, 2024

Dhul-gariirki ugu xooganaa muddo 25 sano ah oo ku dhuftay Taiwan

Taiwan (Dawan)- Dhul-gariir cabirkiisu yahay 7.2 ayaa ku dhuftay Taiwan maanta oo Arbaco ah, waana dhul-gariirkii ugu xoogganaa ee ku dhuftey jasiiraddaan ugu yaraan 25 sano, iyada oo ay ku dhinteen 7 qof boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Waaxda Dab-damiska ee Taiwan ayaa sheegtay in 4 qof ay ku dhinteen dhagxaan kusoo dul dhacday, ku dhawaad ​​700 oo qofna ay ku dhaawacmeen, halka ugu yaraan 26 dhismo la diiwaan geliyey inay dumeen, kuwaas oo intooda badan ku yaal deegaanka Hualien.

Warbixinada ayaa intaas ku daraya in ay jiraan dad ku hoos jira dhismooyin soo dumay.

Dowladaha Japan iyo Filipin ayaa soo saaray digniino muujinayo cabsi laga qabo mowjado yar yar oo sunaami ah in ay gaaraan qaybo ka mid ah dhulkooda.

Sida laga soo xigtay warbaahinta rasmiga ah ee Shiinaha, dhul-gariirkan ayaa laga dareemay dhowr meelood oo ka tirsan gobolka Fujian ee Shiinaha, sida Fuzhou, Xiamen, Quanzhou iyo Ningde.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dadka ku nool magaalada Shanghai ay iyaguna dareemeen gariirka dhulka.

Wakaaladda wararka ee Taiwan ayaa sheegtay in dhul-gariirkan uu yahay kii ugu xoogganaa ee ka dhaca jasiiradda tan iyo sannadkii 1999-kii, xilligaas uu dhacay dhul-gariir cabirkiisu ahaa 7.6 kaas oo galaaftay nolosha dad lagu qiyaasay 2,400 oo qof, halka uu burburiyay ilaa 50,000 oo dhismo ah, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah dhul-gariiradii ugu xumaa ee laga diiwaan geliyay Taiwan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here