Friday, October 18, 2024

Dhuusamareeb oo marti gelineysa shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Dhuusamareeb (Dawan)-Waxaa isbuuca soo socda la filayaa in magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamul goboleedka Galmudug marti geliso shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Shirkaan ayaa kusoo beegmaya  iyada oo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku suganyahay  magaalada Dhuusamareeb , kana dhigtay xarunta laga hago dagaalka dowladdu kula jirto xoogaga Al-shabaab.

Shirkaan oo ay ku kulmaan madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa looga hadlaa inta badan qaddiiyadaha ugu waaweyn ee dalka ka jira iyo dhameystirka daadijinta federaalaynta nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya.

Shirkii ugu danbeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo ee maamul goboleedka Koonfur-galbeed, i waxaana ka maqnaa madaxweynaha Puntland kadib markii khilaaf soo kala dhex galay Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland, taas oo keentay in wada shaqeyntii labada dhinac hakad ku yimaado.

Kulanka ay magaalada Dhuusamareeb marti gelin doonto ayaa ah kii lixaad oo ay ku kulmaan madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedka , tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii May ee sannadkii 20222-ka

Maka soo qeyb geli doona Siciid Cabdullaahui Deni shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee la filaayo inuu dhawaan ka dhaco  magaalada Dhuusamareeb mise waa ka maqnaa sida shirarkii ugu danbeeyay ?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here