Sunday, September 8, 2024

Dib u dhac ku yimid shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Muqdisho (Dawan)- Dib u dhac ayaa ku yimid shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu ballansanaa inuu maanta ka bilaawdo magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sababta dib u dhaca Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo looga doodi lahaa Dhameytirka Dastuurka iyo la dagaallanka Argagixisada ayaa lagu sheegay in ay tahay arrimo farsamo awgood.

“Shirkan oo muhiim u ah dardargelinta horumarka dowladnimada, gaar ahaan dagaalka lagula jiro khawaarijta, dhameystirka dastuurka iyo arrimo kale oo masiiri ah ayaa dib loo dhigay muddo kooban” ayaa lagu yiri, qoraalka kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Eng.Maxamuud Caydiid Dirir oo la hadlay Dawan TV ayaa hore u xaqiijiyay in madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uusan ka qeybgali doonin shirka Golaha Wadatashiga ee madaxweyanaha Soomaaliya isugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedyada.

Wasiirku waxa uu xusay in Puntland aqoonsiga kala laabatay dowladda Federaalka ah ee hadda jirta sidaas darteedna aysan qeyb ka ahayn shirarkan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here