Monday, September 16, 2024

Dib u qaabeynta xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo billaabatay

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa wadahadal la billowday Ergada Siyaasadda ee Howlgalka Qarammada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, kaas oo ay ujeeddadiisu tahay sidii loo soo geba gebeyn lahaa howlaha Xafiiskaas, sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri; ” Howlaha xafiiska siyaasadda Qaramada midoobay waxaa qaarkood la wareegi doonta Dowladda Soomaaliya, qaar kalena waxaa sii wadi doona Xafiiska Qarammada Midoobay ee kan beddeli doona oo ah mid la nooc ah xafiisyada QM ay ku leedahay dalalka caalamka badankood”

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in Guddiyada ka wada hadlaya arrintan looga fadhiyo in ay dejiyaan jadwal UNSOM looga wareejinayo howlaha ay ka fuliso Soomaaliya.

“Tallaabadani waxay astaan u tahay horumarka ay gaartay Dowladnimada Soomaaliya, iyada oo sannadka soo socda ee 2025 ay Soomaaliyaa xubin ka noqon doonto Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay” ayaa markale lagu yiri, war-saxaafadeedka.

Guddiga farsamo ee arrintan loo xilsaaray waxaa hoggaaminaya Danjire Yusuf Garaad Cumar iyo George Conway oo ah ku Xigeenka Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, waxaana ku jira mas’uuliyiin kale oo kala socda labada dhinac.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u codsatay in aan dib loo cusubooneysiinin shaqada howlgalka xafiiska kaalmada ee ay Qaramada Midoobay ku leedahay Soomaaliya (UNSOM) kaas oo ay muddaadiisu ku egtahay dhammaadka bisha October ee 2024.

Soomaaliya ayaa arrintan ku sababaysay in ay horumar ballaaran ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, sidaas daraadeedna ay door bideyso madax-bannaanida ku aaddan horumarkeeda mustaqbalka.

Hawlgalka Kaalmaynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobey (UNSOM), waxaa lagu aas-aasay qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu ahaa 2102 soona baxay 3-dii June 2013-kii, iyada oo dhowr jeer la cusbooneysiiyay mudda xileedka Howlgalka oo hadda ku eg 31-ka October 2024.

Xafiiska ayaa siiya Dowladda Soomaaliya talooyin la xiriira nabadda, maamul wanaagga, hirgelinta dimoqraadiyadda iyo dhameystirka Dastuurka, wuxuuna sidoo kale gacan ka geysta dhowrista xaquuqda aadanaha , taageeridda kaalinta haweenka, ilaalinta xaquuqda carruurta, adkeynta hay’adaha Garsoorka iyo ka hortagga qalalaasaha horseeda kufsiga iyo tacaddiyada jinsiga ku salleysan.

Xarunta dhexe ee UNSOM waxay ku taal Muqdisho, balse waxa ay xafiisyo ku leeyihiin Magaalooyinka kala duwan ee Soomaaliya sida Kismaayo, Hargeysa, Garoowe, Baydhabo iyo Beledweyne.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here