Friday, October 18, 2024

Dibadbaxayaal xoog ku galay Baarlamaanka Kenya iyo khasaaro ka dhashay

Nairobi (Dawan)- Dibadbaxayaal careysan ayaa maanta oo Talaado ah xoog ku galay dhismaha Baarlamaanka Kenya, iyagoo gubay qeybo ka mid ah xarunta , taas oo sababtay in la joojiyo howlaha Baarlamaanka.

Laamaha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan toban qof lagu toogtay caasimadda Kenya ee Nairobi, ka dib markii ay mudaaharaadyadu isku beddeleen rabshado.

Baraha Bulshada ayaa lagu baahiyay muuqaalo muujinaya dibbad baxayaasha oo ku jira gudaha xarunta Baarlamaanka iyo qaybo ka mid ah xarunta oo gubanaya.

Qaar ka mid ah warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in dibbad baxayaashu dab qabadsiiyeen xafiiska Gudoomiyaha ismaamulka Nairobi.

Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya ayaa maanta meel mariyay sharciga maaliyadda ee dhaliyay doodda badan kaas oo dhigaya in canshuurta lagu kordhiyo gaadiidka iyo rootiga.

195 ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka ayaa u codeeyay isbedelka lagu sameeyay hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan halka 106 ay ka soo horjeesteen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya Moses Wetangula ayaa sheegay in saddex cod ay xumaatay.

Boliiska ayaa adeegsaday biyo iyo sunta ka ilmeysiisa indhaha si ay u kala ceyriyaan bannaan baxayaasha kuwaas oo doonayay in ay gudaha u galaan xarunta Baarlamaanka. Qaar ka mid ah daka ka qayb qaadanaya dibbad baxa ayaa sheegay in jir dil loo gaystay.

Si kastaba ha ahaate, waxaa la saadaalinaya in bannaan baxyada ay dhallinyaradu hoggaaminayso in ay kusii baahaan guud ahaan dalka, si looga hortago hirgelinta qorshaha ay Xukuumaddu ku dooneyso in ay sameyso casnhuur kordhin.

Madaxweyne William Ruto ayaa qorsheynaya in uu cashuuro cusub ku soo rogo badeecadaha iyo adeegyada kala duwan, iyada oo ujeedadu tahay in lasoo xareeyo lacag dhan $2.7 bilyan, si loo xoojiyo ilaha dhaqaale ee dalka iyo in uu dhaqaale ka helo Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF.

Khubarada dhaqaalaha ayaa walaac xoogan ka muujiyay sharciga cusub ee canshuurta, waxeyna sheegeen inuu sababi doono sare u kac ku yimaada nolosha iyo in bulshadu awoodi wayso in ay wax iibsadaan.

Sannadkii hore, dowladda Kenya waxay casnhuur ku soo rogtay guryaha iyo adeegga Nidaamka Caafimaadka Qaranka, waxaana ka dhashay sidaan oo kale mudaaharaadyo xoogan oo looga soo horjeeday go’aanka xukuumadda.

Kooxaha ka soo horjeeda canshuur kordhinta xukuumadda, waxaa ka mid ah bangiyada, warshadaha iyo ururka sharci-yaqaanada Kenya, kuwaas oo sheegay in canashuurta cuusb ay curyaamin doonto dhaqaalaha dalka.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyada oo kiiska canshuuraadka sannadkii hore ee gurayaha uu weli horyaalo maxkamadda dalka Kenya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here