Thursday, September 19, 2024

Dilkii Haniyeh oo mideeyay dareenka bulshooyinka Sunniga iyo Shiicada

Muqdisho (Dawan)- Kumanaan Iiraaniyiin ah ayaa saaka oo Khamiis ah salaaddii janaasada ku tukaday maydka madaxii siyaasadda ururka Xamaas Ismaaciil Haniyeh, oo Arbacadi lagu dilay magaalada Tehran ee dalkaas.

Hogaamiyaha ruuxiga ee Iran Cali Khamenei ayaa dushiyay salaadda Janaasada, isaga oo u duceeyay Haniyeh iyo guud ahaan dadka Falastiin oo ku jira mid ka mid ah xaaladihi ugu adkaa noloshooda.

Maydka Ismaaciil Haniyeh ayaa laga soo qaaday Jaamacadda Tehran, waxaana la geeyay fagaaraha Azadi, halkaas oo ay isaga soo baxeen kumanaan ka mid ah dadwaynaha Iran si ay u macasalaamyeen ka hor inta aan loo qaadin dalka Qatar oo lagu aasi doono Jimacaha.

Caasimadda Shiicada ee Tehran marka laga soo tago, waxaa magaalooyin badan oo ku kala yaal dunida Carabta iyo Muslimiinta laga dhigay bannaan baxyo loogu baroor diiqayo Ismaaciil Haniyeh, loogana soo horjeedo weerarkii gaadmada ahaa ee lagu dilay, Ismaaciil Haniyeh.

Dowladaha Pakistan, Malaysia, Turkiga, Morocco, Yemen, Mauritania, Urdon, Algeria, Soomaaliya, Masar iyo qaar kale oo badan ayaa dhamaantood dhalleeceeyay falkii lagu dilay madaxii siyaasadda ururka Xamaas Ismaaciil Haniyeh.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa ku tilmaamay ciddii dishay Haniyeh gacan ku dhiiglayaal, wuxuuna yiri; ” Sidoo kale waxaad disheen nabadda”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa weerarkii lagu dilay Ismaaciil Haniyeh ku tilmaamtay inuu ahaa mid ka baxsan xeerarka caalamiga ah iyo bini’aadantinimada.

Ergayga joogtada ah ee Iran u fadhiya Qaramada Midoobay, Amiir Saciid Iravani, ayaa si cad uga sheegay Golaha Ammaanka in dalkiisu uu ka jawaabi doono dilka madaxii xafiiska siyaasadda ee Xamaas, Ismail Haniyeh, xilliga ugu habboon.

“Waxaan qarka u saarnahay masiibo,” sidaas waxaa yiri, wakiilka joogtada ah ee Algeria u qaabilsan Qaramada Midoobay, Cammar bin Jaamac, wuxuuna dilka Haniyeh ku micneeyay fal argagixiso oo ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah iyo madax banaanida Iran.

Masar iyo Urdun waxay dhaleeceeyeen dilalka siyaasadeed ee Bariga Dhexe, waxayna ugu baaqeen Golaha Ammaanka inuu soo saaro qaraar ku waajibinaya Israel inay joojiso gardarrada ay ku hayso Marinka Gaza.

Marka laga soo tago mowqifyada rasmiga ah ee dowladaha Muslimka, waxaa si isku mid u muujiyay dareenkooda ay uga xunyihiin dilkii loo gaystay hoggaamiyaha Xamaas dadka ku kala abtirsada Madaahibta Shiicada iyo Sunnada, waxaana lagu tilmaamay dhacdo mar la arag ah inay u wada baroor diiqaan hal hoggaamiye.

Haniyeh, oo ku dhintay da’da 58, wuxuu sannadkii 1963-kii ku dhashay Xera qaxooti oo ku taalla Waqooyi-galbeed ee magaalada Gaza, isaga oo ku noola Gaza tan iyo sannadkii 2019-kii markuu u wareegay dalka Qatar.

Sannadkii 2006, Haniyeh wuxuu noqday Ra’iisul Wasaaraha Falastiin inkasta oo xilka laga qaaday sannad kadib.

May 6, 2017, Haniyeh waxaa loo doortay madaxtinimada xafiiska siyaasadda ee ururka Xamaas, isaga oo beddelay Khaalid Meshcal.

January, 31, 2018, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Ismaaciil Haniyeh ku dartay liiska argagixisada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here