Wednesday, October 2, 2024

Diyaano: waxaan ka shaqeynaynaa inuu adeegg boolisku gaaro goob walba

Muqdisho (Dawan)- Hadal jeedinta Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya, Asad Cismaan Cabdullahi 

Raysal wasaaraha Dowladda Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, dhamaan Golayaasha baarlamaanka Xukuumadda iyo Garsoorka ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, taliyihii Hore ee Booliska Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin, taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Sareeye Gaas Ibrahim Sheikh Muxiyadin iyo dhamaan taliyayaasha, saraakiisha, saraakiil xigeenadda iyo ciidamada booliska iyo ciidanka qaranka laamahooda kala duwan, dhamaan wakiilada beesha caalamka, dhamaan Marti sharafta kala duwan ee kasoo qayb gashay xafladdaan xilwareejinta ah Asalaamu Calaykum Warahmatullaahi Wabarakaatuhu.

Waxaa sharaf iyo qadarin ii ah in Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed igu aamineen in aan hoggaamiyo hay’adda uga da’da weyn hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliyeed oo ah hay’adda booliska oo iyadu dhashey dhamaan ciidanka amniga ee qaranka Soomaaliyeed.

Mas’uuliyaddan waxaan aqbalay anigoo aaminsan in mas’uuliyadda booliisnimadu tahay shaqadda ugu qiimaha badan ee loogu adeego bulshadda. waxaan u taagannahay sugidda nabadda, illaalinta xuquuqda aadanaha, iyo dhowrista sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Anoo ka duulaya siyaasadda Madaxweynaha iyo Xukuumadda waxaan ka shaqeyn doonaa kor u qaadidda tayada booliska, wadashaqeynta booliska iyo shacabka.

Waxaan curin doonnaa qorshayaal amni oo saldhig u tahay cilmi iyo khibrad oo lagu sugayo amniga Caasimadda, sidoo kale waxaan ka shaqeynaynaa inuu adeegga amni ee booliska gaaro goob walba iyo gobol walba oo Soomaaliyeed.

Shaqadeenu kuma koobnaan doonto kaliya kadaba tegidda faldanbiyeedyada iyo fulinta sharciga, balse waxaan kor u qaadi doonnaa ka hortagidda khataraha si shacabkeennu ugu noolaado nabadgelyo iyo xasilooni.

Waxaan xoogga saari doonnaa in ciidamada booliiska Soomaaliyeed uu noqdo mid shacabka ay ku kalsoonaadaan min Lowyacaddo, Raascasayr illaa Raaskabooni.

Ugu danbayn; Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha Dalka, oo ii igmaday masuuliyadaan, ayagoo si dhab ah u la dagaalamaya nabad-diidka, argagaixisada iyo cadowga shisheeyaha.

Mahadsanidiin.

Wassalaamu Calaykum Warahmatullaahi Wabarakaatuhu.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here