Wednesday, October 2, 2024

Diyaar garowga Soomaaliya ee la wareegidda amniga oo laga shiray

Washington (Dawan)- Kulankii todobaad ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dowladaha saaxibada la ah ee ka taageera dhinaca amniga ayaa ka dhacay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Kulanka waxaa looga hadlay horumarinta laamaha amniga, in Soomaaliya laga taageero inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga iyo in sidii looga adkaan lahaa ururka Al-shabaab.

Kulanka soo socda ayaa lagu ballamay inuu ka dhaco magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) waxa uu sheegay in la hiigsanayo sidii sare loogu qaadi lahaa dadaallada horumarinta amniga iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya, si loo gaaro nabad waarta.

Dowladahan oo loo yaqaano “5 Geesoodka Taageerada Soomaaliya” ayaa kala ah Mareykanka, Britain, Qatar, Turkey, iyo Imaaraadka Carabta.

Ujeedka loo sameeyay kooxdan ayaa ah mideynta taageeradooda milatari iyo ka fogaanshaha iska hor imaadka danahooda maadaama ay dhamaantood ku lug leeyihin laamaha amniga ee Soomaaliya, waxeyna hore ugu kulmeen magaalooyinka Dooxa, Ankara, New York, laba jeer oo Abu Dhabi ah iyo London.

Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee kulanka ka qayb galay, waxaa ka mid ah Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), La-taliyaha Amniga Qaranka , Xuseen Sheekh Cali iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)

Kaalinta Turkiga

Dowladda Turkigu waxay gudaha Soomaaliya ku leeyahay xarunta ugu weyn ee tababar ciidan, waxayna soo saartaa kumannaan ciidan ah oo leh tababaro heer sare ah, qeyb weyna waxa ay ka qaadata hubeynta ciidamada, iyada oo xilliyadii ugu dambeyay ku biirtay howlgallada lagula dagaallamayo ururka Al-Shabaab.

Kaalinta Imaaraadka

Imaaraadku waxay gudaha Soomaaliya ku leeyihiin xiryo tababar, waxayna qeyb weyn ku leeyihiin taageerada dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto ururka Al-Shabaab.


Kaalinta Mareykanka

Kaalinta Mareykanka waxaa lagu tilmaamaa kaalinta ugu ballaaran ee dowlad ka qaadan karto ammaanka Soomaaliya. Waxa uu tababarro u fidiya ciidamo tira badan oo Soomaali ah, qaarkood waxaa lagu tilmaama kuwa xirfadda ugu sarreysa ee ciidanimo leh ilaa iyo hadda.

Markeykanku waxa uu sidoo kale qeyb ka yahay dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto dagaalamayaasha Al-Shabaab. Hwlgallada ciidamada iyo sidoo kale taageero dhanka cirka ah ayaa laga xusi karaa howlaha waaweyn ee Mareykanku ku leeyahay ammaanka Soomaaliya.


Kaalinta Ingiriiksa

Dowladda Ingiriiska ayaa ku bixisa amniga Soomaaliya taageero maaliyadeed, waxayna gudaha Soomaaliya ku leeyihiin xero tababar oo soo saarta ciidamo Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ingiriisku waxa uu taageero diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale siiyaa ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

kaalinta Qatar

Dowladda Qatar ma bixiso taageero ciidan oo toos ah sida tababaro laakin waxey taageero dhaqaale oo xooggan sida dhismaha xeryaha ciidamada, qalabeynta iyo waxyaabo lamid ah ku taageertaa dowladda Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here