Monday, September 16, 2024

Doorashada Algeria oo la dareeray iyo Tebboune oo la filaayo inuu ku guuleysto

Algeria (Dawan)- In ka badan 24 milyan oo qof ayaa codkooda ka dhiibanaya doorashada madaxtinimo ee dowladda ugu wayn Africa ee Algeria maanta oo Sabti ah.

Doorashadu waxay dhaxtaal seddex murashax basle waxaa la saadaalinaya in madaxweynaha hadda talada haya Cabdulmajiid Tebboune inuu ku guuleysan doono mar labaad oo xiriir ah.

Goobaha codbixinta ayaa saaka laga furay guud ahaan dalka, waxaana la soo xiri doonaa 19:00, iyada oo natiijada hordhaca ah la filayo inay soo baxdo isla fiidnimada Sabtida, waxaana si rasmi ah loo shaacin doonaa maalinta Axadda ah.

Madaxweynaha xilka haya Tebboune (78 jir) ayaa taageero ka helaya xisbiyada haysta aqlabiyadda baarlamaanka, kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin Jabhadda Xoreynta Qaranka oo hore u ahayd xisbiga kaliya ee dalka ka jiray iyo Xisbiga Islaamiga ah ee kaalinta labaad galay doorashadii 2019.

Waxa uu la tartamayaa laba murashax oo kala ah madaxa ururka Islamic Society for Peace Movement, Cabdicaali Xasaani Shariif (57 sano jir),oo ah Injineer hawlaha guud, iyo wariye hore oo ah madaxa Jabhadda Socialist Forces, Yuusuf Aouchish (41 jir ah)

Jabhaddan ayaa awood u ku leh bartamaha iyo bariga dalka Algeria.

Doorashooyinkan ayaa qorshuhu ahaa in la qabto marka uu Tebboune waqtigiisa dhamaado bisha December, laakiin bishii March waxa uu ku dhawaaqay qabanqaabada doorashooyin lasoo hormariyay oo la mudeeyay 7-da September

Doorashadii hore oo ay ka qaybgaleen 60% dadwaynaha dalkaas, waxa uu Tebboune helay 58% codadkii la dhiibtay.

Qurba-joogta xaqa u leh inay codeeyaan ayaa tiradooda lagu qiyaasay 865,490 qof, waxeyna billaabeen codbixintooda Isniinti lasoo dhaafay, sida uu sheegay guddigga madaxa-bannaan ee doorashooyinka dalkaas.

Deegaanada baadiyaha ah ayaa sidoo kale la qoondeeyay sanduuqyo gaar ah si ay dadku uga qayb galaan doorashada madaxtinimo.

Saddexda murashax ayaa ololahooda doorashada diiradda ku saaray arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha.

Tebboune wuxuu ballanqaaday kordhinta mushaharaadka , magdhawga hawlgabka, shaqo abuur iyo dhismaha laba milyan oo guri.

Labada murashax ee kale ayaa dhankooda ballan qaaday inay wax ka qaban doonaan arrimaha dhaqaalaha iyo xoriyadda

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here