Sunday, September 8, 2024

Doorashada madaxtinimo ee Senegal oo loo dareeray

Dakar (Dawan)- Muwaadiniinta dalka Senegal ayaa Subaxnimadii maanta oo Axad ah u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynihii shanaad ee dalku yeesho, iyada oo aan la sadaalin karin musharraxa ku guuleysanaya doorashada.

Wakaaladda wararka Senegal ayaa sheegtay in goobaha codbixinta si rasmi ah loo furay siddeedii subaxnimo ee wakhtiga dalkaas, si ay 7.3 milyan oo codbixiye ay u doortaan madaxweynaha xiga ee Senegal.

Dadka reer Senegal ayaa ka codayn doona ilaa 16,000 oo goobood oo isagu jira gudaha iyo dibadda dalka, iyada oo la la kala dooran doono 17 musharax ee isu soo taagay madaxtinimada dalkaas.

Musharraxiinta ugu cad-cad

Amadou Ba (62 jir), oo ah Ra’iisul Wasaaraha Madaxweynaha xilka ka degaya Macky Sall, iyo Bassiroe Diomaye Faye (43 jir), Musharraxa mucaaradka ayaa loo arkaa musharrixiinta ugu cad-cad ee ku guuleysan kara madaxtinimada dalka Senegal, inkasta oo aysan jirin ra’yi aruurin la sameeyay oo laga qiyaas qaadan karo.

Labadan musharrax ayaa ku doodaya in ay ku guuleysan karaan doorashada maanta dhacaysa, iyadoo aan loo baahan wareeg labaad, taasoo u muuqata mid dhici karta, balse aan wali aan la xaqiijin karin.

Musharrixiinta kale ee tartamaysa, waxaa ka mid ah Duqii hore ee Dakar Khalifa Sall ( wax xiriir ah kama dhaxeeyo madaxweynaha xilka ka degaya), haweeneyda ganacsatada ah ee isu rogtay siyaasiyad, Anta Babacar Ngom iyo siyaasiga rug caddaaga ah ee Idrissa Seck, oo kaalinta labaad ku dhameystay doorashadii madaxtinimo ee 2019.

Xarumaha codbixinta ayaa furnaan doonaan ilaa lixda fiidnimo ee wakhtiga dalkaas, iyada oo natiijada hordhaca ah la soo saari doono isla caawa, halka natiijada rasmiga ah lagu dhawaaqi doono maalmo kadib.

Kormeerayaal ka socda Bulshada rayidka ah, Midowga Afrika, Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (ECOWAS) iyo Midowga Yurub ayaa goob joog u ah hannaanka doorashada ee Senegal

Muhiimadda doorashada Senegal

Doorashada madaxtinimo ee dalka Senegal ayaa loo arkaa mid leh muhiimad gaar ah, maadaama ay Senegal ka mid tahay dalalka ugu xasiloon galbeedka Afrika, oo caan ku ah afgambi iyo qalalaase siyaasadeed.

Senegal ayaa xiriir xoogan la leh dalalka reer galbeedka halka Ruushku uu sii xoojinayo saameynta uu ku leeyahay dalalka ku yaal galbeedka Afrika.

Doorashada Senegal ayaa qorsheysneed in ay dhacdo 25-kii February ee lasoo dhaafay, balse dib ayaa loo dhigay taas oo keentay rabshado dhaliyay dhimashada 4 qof iyo dhaawaca dad kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here