Saturday, November 23, 2024

Doorashada Mareykanka… Trump oo ku laabtay Aqalka Cad

Washington (Dawan)- Murashaxa xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump ayaa loo doortay madaxweynaha 47-aad ee Mareykanka. Trump waxa uu ku laabanaya Aqalka Cad mar labaad kadib afar sano guul darradii uu kala kulmay Biden 2020kii

Doorashadu ma noqon mid aad u adag sida la saadaalinayay, waxayna u ahayd Trump iyo Xisbigiisa mid fudud marka la eego natiijada ay kasoo hoyeen codadka dadwaynaha iyo tan electoral college

Trump waxa uu helay codad gaaraya 277 oo ka mid ah 538 ka cod ee go’aamiya qofka noqonaya madaxweynaha halka ay Kamala Harris heshay ilaa iyo hadda 224 cod.

Dhanka dadwayanaha Trumo waxa uu helaya codadka la tiriyay 71,995,647 oo ka dhigan  %51.06 halka Kamala ay heshay 66,908,346 cod oo u dhiganta %47.45.

Musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump oo khudbad ka jeediyay xarunta ololihiisa doorashada waxa uu sheegtay in dadka Mareykanku ay marlabaad fursad u siiyeen inuu hoggaamiyo, isaga oo guushiisa ku tilmaamay mid aan horay uga dhicin America.

” Waxaan  guuleysanay  guul taariikhi ah. Mar kale ayaan America ka dhigi doonaa mid awood badan. Guushaydu waxay ku timid wada ogol  siyaasadeed” sidaas waxaa yiri; Trump oo jeediyay khudbad lagu tilmaamay tii guusha.

Kamala afkiiba juugda gabay, waxayna dib u dhigaty khudbad laga sugayay, taas oo loo qaatay inay kedis ku noqotay natiijada doorashada.

Xisbiga Jamhuurigu waxa uu sidoo kale ku guuleystay aqlabiyadda golaha Congress-ka.

Hambalyada madaxda caalamka

Inta badan Madaxda caalamka ayaa Trump ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashada, iyaga oo ballan qaaday inay diyaar u yihiin la shaqayntiisa sanadaha soo socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid madaxda dirtay hambalyada waxa uuna bartiisa ” X” kusoo qoray ” Waxaan kuugu hambalyeynayaa in Madaxweynaha Mareykanka laguu doortay mudane Donald Trump”

Xasan waxa uu intaas ku daray; ” Waxaan rajaynayaa in aan sii wadno iskaashiga xooggan ee labadeena qaran isi loo hormariyo nabadda, amniga, iyo barwaaqada guud”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here