Monday, September 30, 2024

Doorashada Somaliland iyo booqashada Wakiilada caalamka ee Hargeysa

Hargeysa (Dawan)- Tan iyo markii dhinacyada Somaliland ku heshiiyeen in doorasho isa saaran la qabto 13ka bisha November  ee socota, waxaa xoogeytay dananaynta beesha caalamka ee doorashooyinkaas iyo wakiilada si isdaba jooga ah u booqanaya Hargeysa

11kii bishii July, Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Richard H. Riley ayaa booqasho ku tagay magaalada Hargeysa ee Somaliland, isaga oo kulamo la qaatay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo hogaamiyayaasha ururada siyaasadda, bulshada rayidka iyo ganacsatada.

Safiirka iyo dhinacyada Somaliland waxay isla qaateen inaan doorashada waqtigeeda dib looga dhigin.

21kii bishaan, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa isna booqasho ku tegay magaalada Hargeysa, isaga oo halkaas kula kulmay Muuse Biixi Cabdi.

Ergayga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway u qaabilsan Soomaaliya, Einar Rystad ayaa 29kii bishaan ka degay magaalada Hargeysa isaga oo kulan la qaatay madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu yiri; ” Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray guud ahaan xaaladda gobolka Geeska, doorashooyinka loo diyaar-garoobayo ee dalka kusoo foolka leh iyo wada-shaqaynta u dhaxaysa Jamhuuriyadda Somaliland iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa”

Maanta oo ku beegan 30ka September, waxaa Hargeysa gaaray  Safiirka Faransiiska u fadhiya dalalka  Soomaaliya iyo Kenya, Arnaud Suquet, waxaan soo dhawayn loogu sameeyay madaxtooyada Somaliland.

War-saxaafadeed kasoo baxay Somaliland, waxaa lagu sheegay in  labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac ee Somaliland iyo Faransiiska, sidoo kale waxa lagu lafo-guray kulanka taageerada Dawladda Faransiiska ee mashaariicda dhinacyada horumarinta Caafimaadka, ilaalinta Goobaha Taariikhiga ah, Dhaqanka iyo horumarinta Xoolaha.

Sidoo kale, waxa kulanka lagu gorfeeyey arrimaha doorashooyinka Somaliland ee kaabiga saaran, nabadgelyada iyo amniga mandaqadda Gobolka Geeska Afrika,.

Maalmaha soo socda waxaa suurtaal ah in wakiilo kale safar ku tagaan  Hargeysa , iyada oo ujeedada ugu wayn ee booqashooyinkan ay tahay arrimaha doorashada oo xiiso gaar ah u leh dowladaha daneeya dimuqraadiyadeynta gobolka.

Ilaa iyo hadda Taiwan oo kaliya ayaa si rasmi ah ugu deeqday Somaliland lacag dhan $2 Milyan oo ay Taiwan ugu tala gashay inay ku taageerto hab sami u qabashada doorashada Somaliland ee soo socota.

Dadweynaha Somaliland ayaa u dareeri doona doorasahda subaxnimada 13-ka bisha November, iyada oo natiijada hordhaca ah lagu dhawaaqi doono isla bishaas 20-keeda.

Haddii ay dhacdo doorashadan xilliga la muddeeyay, waxay soo af-jari doontaa khilaaf siyaasadeed oo hareeyay Somaliland labadi sano ee lasoo dhaafay, kaas oo saameyn ku yeeshay dhinacayda horumarka, amniga iyo siyaasadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here