Thursday, September 19, 2024

Dowlad Deegaanka Soomaalida oo baareysa dhacdadii lagu dilay 6 qof

Jigjiga (Dawan)- Dowladda Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa sheegtay in ay baaritaan ku samaynayso weerarkii ka dhacay magaalada Wardheer, halkaas oo lix qof lagu dilay iyaga oo ku sugnaa masaajid. Weerarkan oo lagu eedeeyay koox hubaysan ayaa loo malaynayaa inuu la xiriiro isku dhacyo qabiil oo muddo dheer ka jiray gobolka Doollo.

” Waxaa socda hawlgalo balaadhan oo lagu soo qabanayo dambiilayaasha geeystay falkii Masaajidka, iyadoo la hayo qayb, qayb kalana lagu raad joogo” sidaas waxa yiri; Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar.

Mustafe waxa uu sheegay in gacanta lagu dhigay gacan-ku-dhiiglayaashii horay u fuliyay dilal aano ah, iyada oo la xiray dad badan oo lagu tuhmay inay colaada dabada ka riixayeen.

Xukuumaddu way ka hortagtay inaan dagaal dhex marin beelaha is khilaafay. Wayna qaaday talaabooyin adag oo xakamayn ah taas oo badbaadisay naf iyo maal badan” ayuu hdalkiisa raaciyay Mustafe.

Maxamed Maxamuud Aadan, ku xigeenka hoggaanka xafiiska nabadgelyada Dowladda Deegaanka Soomaalida , ayaa dhnkiisa sheegay in maamulku gacanta kusoo dhigi doono cid kasta oo ku lug leh falkas, islamarkaana tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono kuwa mas’uulka ka ah. Wuxuu intaa ku daray in ay muhiim tahay in cadaalad loo helo dhibbanayaasha si looga hortago isku dhacyo hor leh oo sababi kara in xaaladda sii xumaato.

Ciidamada amniga ayuu sheegay in ay  howlgallo ka wadaan gobolka si loo ogaado cidda ka dambeysay weerarka, iyadoo dowladda ay xoogga saarayo sugidda nabadda iyo xasilloonida degaanka, gaar ahaan goobo ay ka jiraan khilaafaadka qabiil ee soo noqnoqday.

Dhacdadaan Lixda qof lagu dilay ayaa shan ka mid ah waxay kasoo jeedeen hal qoys, waxaana dilkooda lala xiriirinaya aano qabiil.

Dhawaan ayay ahayd markii sidaan oo kale lix qof loogu dilay isla magaalada sababo la xiriira colaad u dhaxeysa beelaha wadadega magaalada.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyada oo magaalada Jigjiga darraad lagu soo gabgabeeyay shir nabadeed oo u dhaxeeyay beelaha ku dagaalamayay waaydii ugu dambeysay magaalada Wardheer, waxayna ku kala saxiixdeen heshiis lagu soo afjarayo colaadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here