Friday, July 26, 2024

TV u gaar ah waxbarashada oo laga hirgeliyay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Jig-jiga (Dawan)- Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa daah-furtay TV u gaar ah Barnaamijyada Waxbarashada la xiriira.

Sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Waxbarashada, TV-gaan ayaa tebina doona xiisadaha waxbarashada aasaasiga ah ee loogu tala galay heerarka Dugsiyada qaybahooda kala duwan, iyada oo laga daawan doono satalaydyada; Thiocom 6 mawjadaha (Fer.) 4053 ee hirarka 21666 fec 3/4.

Xukuumada Deegaanka Soomalida oo ka duuleysa ahmiyada ay warbaahintu uleedahay xoojinta kor u qaadida iyo tayaynta waxbarashada ayaa yagleeshay TV-gan oo wax badan ka tari doono baahinta waxbarashada tayo leh sidoo kalena kaalin lixaad leh ka qaadan doona daboolida baahida Ka jirta dhanka waxbarashada.

Wasiirka Xafiiska Waxbarashada Dowlad Deegaanka Soomaalida, Cabdullaahi Cabdi Aadan ayaa sheegay in ujeedada TV-gu ay tahay in ardaydu helaan nidaam ay kala socon karaan hannaanka waxbarashada ee kala duwan iyo in ay helaan barnaamijyo waxbarasho oo ay ka faa’iideystaan xilliyada ay joogaan hoygooda ama ku jiraan fasaxyada.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in TV-gu ka qeyb qaadan doono tebinta barnaamijyada waxbarashada, wacyei gelinta bulshada iyo dhiiri gelinta tartamada ardayda dhaxdooda ah.

Bishii December, 2023 ayay ahayd markii la qabtay shirweynaha 32-aad ee Waxbarashada Heer Deegaan kaas oo halku-dhig looga dhigay “Tayeynta waxbarashadu waa taabo-gelinta horumarka”  iyada oo lagu lafa guray sidii sare loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada ee Dowlad Deegaanka.

Xukuumadda Deegaanka Soomaalida oo hiigsaneysa kor u qaaddida iyo tayaynta adeegga waxbarashada ayaa dhawaan ansixisay qorshayaal muhiim u ah manhajyada ay aradaydu wax ku baranayaan iyada oo Dugsiga Dhexe laga dhigay in ardaydu ay wax ku bartaan luqadda English-ka.

Kaliya 3% ardayda dhigata Dugsiyada Sare ee Itoobiya ayaa baasay imtixaanaadkii sannadkii tegay si ay ugu gudbaan Jaamacadda iyo Waxbarashada sare, waxaana ka dhashay dood iyo hadal hayan keentay in baaritaan lagu sameeyo hannaanka waxbarashada guud ee dalkaas.

Macluumaadka aan helnay, waxa ay muujinayaan in Ardaydii u fadhiisatay imtixaanka Dusigsa Sare ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ay gaarayeen ilaa 22,000, waxaana gudbay oo kaliya 74 arday.

Sida laga soo xigtay UNICEF, Itoobiya waxay samaysay horumar weyn oo xagga waxbarashada aasaasiga ah ee caalamiga ah sannadihii u dambeeyay, iyadoo 88.7% carruurta waddanku ay galeen Dugsiga Hoose sannad dugsiyeedkii 2021-2022.

Iyada oo sidaas ay tahay ayaa hadana waxaa jira caqabad kale taas oo ah in ardaydaas aysan sii wadanin waxbarashadooda Dugsiga Sare ilaa Jaamacadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here