Thursday, September 19, 2024

Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ka digtay fatahaadaha wabiga Shabeelle

Jigjiga (Dawan)- Dowlad Deegaanka Soomaaliada ayaa markale ka digtay halista ka dhalan karta fatahaadaha la filayo inay ka dhashaaan wabiga Shabeelle, ka dib markii roobab xooggan ay si isdaba joog ah uga da’een buuralayda sare ee dalka Itoobiya.

Roobabkan ayaa sababay in heerka biyaha wabiga uu si xawli ah kor ugu kaco, taasoo keeni karta fatahaadp gaysan kara khasaare ballaaran oo naf iyo maalba leh.

“Maadaama oo buuralayda sarre ee dalka ay maalmahan ka da’ayaan roobab xoogani, waxaa si xawli ah usoo kordhaya biyaha wabiga Shabeelle taasi oo laga yaabo in uu gaysto Fatahaad sababta khasaare balaadhan” ayaa lagu yiri, digniinta kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Dowlad Deegaanka

Dadka ku nool degmooyinka dhaca hareeraha wabiga, gaar ahaan Iimay, Qallaafo, Mustaxiil, iyo Feerfeer, ayaa si gaar ah loogu digay inay ka fogaadaan agagaarka wabiga, maadaama khatar aad u weyn ay ka dhalan karto, waxaana dadwayanaha loogu baaqay inay muujiyaan taxaddar dheeri ah oo ay si degdeg ah uga guuraan goobaha halista ah ee looga baqayo fatahaadda wabiga.

Horaantii bishaan ayeey ahayd markii fatahaado ka dhashay roobab ka da’ay gobolka Baali ee deegaanka Oromiya ay saameeyn ku yeesheen dhulbeereed lagu qiyaasay 6,186 hectare, halka ay barakaceen qoysas dhan 2,827 .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here