Sunday, September 8, 2024

Dowlad deegaanka Soomaalida oo si tijaabo ah u beeraysa Bariis

Jig-jiga (Dawan)- Madaxwayne ku xigeenka Dowlad Deegaanka Soomaalida, Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa sheegay in qorsha xukuumadda ay ku jirto in saddexda sano ee soo socota si tijaabo ah loo beero 20-kun oo Hectare oo Bariis ah.

Mashruuca tijaabada beerista Bariiska ayaa laga fulin doona afar gobol oo ka mid ah gobollada Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Madaxwayne Ku-xigeenka ayaa xusay in ujeedada laga leeyahay beerista Bariiska ay tahay in laga maarno Bariiska laga keeno dibadda sidoo kalena laga mira dhaliyo qorshaha deegaanka ee isku filanaanta wax-soorka damaanad qaadka cunnada.

Dhanka kale, Xafiiska Beeraha Dowlad Degaanka Soomaalida oo kaashanaya Wakaalada Abuurka ayaa 5,471 kiintaal oo abuurka tayaysan ah u kala diraya gobollada Deegaanka si ay beeralaydu uga faa’iideystaan xilli roobaadka guga.

Abuurkan ayaa isagu jira dalagyada gallayda, hadhuudhka, qamadiga, digirta iyo sisinta, waxaana loogu talogalay in mudo todobaad ah lagu gaarsiiyo degmooyinka deegaanka, sida lagu sheegay qoraal ksoo baxay xafiiska warfaafinta ee Dowld Deegaanka Soomaalida.

Wasiirka ku xigeenka Xafiiska Beeraha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Axmednuur Cabdi ayaa sheegay in degmooyinka la gaarsiiyay abuurka looga baahan yahay inay kaalintooda ka qaataan qorshaha lagu horumarinayo wax soo saarka dhanka beeraha.

Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa waayadii ugu dambeysay xoogga saartay horumarinta adeegyada kala duwan, ka faa’iideysiga kheyraadka iyo wax soo saarka Beeraha, iyada oo sannadkii tegay gudihiisa la beeray dhul gaaraya 770,832 Hectare, waxaana kasoo go’ay 23.2 milyan oo kiintaal oo ah dalagyo kala duwan ah.

Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa hirgelisay afar mashruuc oo dhanka waraabka, waxaana hadda meel gabo-gabo ah maraya shan kale oo laga fulinyo Doolo-ado, Harawo, Yaxoob, Jarati iyo Guradhaamoole.

Guud ahaan dhulka la beeri karo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa lagu qiyaasaa ilaa 10 milyan oo hectare, waxaana laga soo saari kara dalagayda kala duwan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here