Friday, September 20, 2024

Dowlad Goboleedyada Itoobiya oo lagu amray inay daboolaan baahiyahooda

Addis Ababa (Dawan)- Ka dib ansixintii Xukuumadda Itoobiya siyaasadda Qaran ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka dabayaaqadii bishii Febraayo 2024, ayay Dowladda Federaalku waxay ku amartay Dowlad Goboleedyada inay si madax bannaan u daboolaan ugu yaraan 70% baahiyaha Bni’aadantinimo ee ka jira deegaanadooda.

Hindisaha siyaasadda Qaran ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka ayay Xukuumadda Itoobiya uga dan leedahay in la xoojiyo isku filnaanshaha gobollada iyada oo awoodda la saarayo wax soo saarka iyo in dhaqaale gaar ah loo qoondeeyo muwaadiniinta si loo daboolo baahidooda xilliyada barakaca ama abaaraha.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sare u sii kacayso tirada dadka u baahan gargaarka Bini’aadantinimo ee dalka Itoobiya.

Dhawaan, Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa shaaca ka qaaday in 15.8 milyan oo qof oo ku nool Itoobiya in ay u baahan yihiin gargaar cunto. Sida lagu sheegay warbixintii May 2024 ka soo baxday Qaramada Midoobay, ina badan dadkaan waxay ku suganyihiin deegaanada ay ka jiraan dagaallada iyo abaarta sida Canfar, Amxaarada, Oromiya, iyo Tigrayga.

Sababta ka dambeysa in Dowaldda Dhexe ay qaadato go’aan ayaa lagu micneeyay hoos u dhaca ku yimid kaalmadii ay ka heli jirtay Beesha Caalamka.

Inta badan Dowlad Goboleedyada dalka Itoobiya, waxaa ku adkaa doonta inay fuliyaan amarkaan iyo siyaasadda cusub ee Dowladda Federaalka, waxaana la filaya inuu ka dhasho khilaaf kale oo saameyn ku yeelan doona siyaasadda iyo xasiloonida dalkaas sida ay qabaan qaar ka mid khubarada falanqeeya siyaasadda Geeska Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here