Sunday, September 8, 2024

Dowlad yaqaan dhaxal reebay: Sooyaalka Jawaari oo kooban

Muqdisho (Dawan)-  Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa 28 bishaan June ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Jawaari ayaa laba jeer oo kala duwan soo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka, inkasta oo aysan u suurta gelin inuu dhamaysto muddadii labaad xilkiisa kadib markii ay isku dhaceen madaxweynihii xiligaas Farmaajo, waxa uuna kaalin wayn kasoo qaatay dib u dhiska dowladnimada iyo arrimaha dastuurka.

Maxaan ka naqaanaa Maxamed Sheekh Cusmaan ?

Dhalasho iyo Barbaar

Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu ku dhashay magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose sanadkii 1945-tii, inkasta uu qaybaha hore ee noloshiisa kusoo qaatay Degamada Buurhakaba ee Gobolka Bay.

Waxbarashada: Sharci iyo Af yaqaan

Dhanka Waxbarashada, Waxaa xusid mudan in marxuumku uu sanadkii 1964-tii shahaadada Shareecada Islaamka qaatay, isagoo sidoo kale ka baxay Mac-hadkii Macallimiinta 1967-kii, iyo kulliyadda Qaanuunka ee Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed sannadkii 1982-kii.

Waxa uu shahaadada Masterka ku qaatay Suugaanta , wuxuuna si fiican ugu hadli jiray shan luuqadood oo kala ah: Soomaali (May iyo Maxaatiri), Ingiriisi, Talyaani, Carabi iyo Afka Norway

Shaqada iyo siyaasadda: Dowlad yaqaan dhaxal reebay

Maxamed Cismaan Jawaari , waxa uu lasoo shaqeeyay dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray iyo Hay’ado caalami ah sida hay’adda UNESCO laga soo billaabo sannadkii 1962-kii.

Marka laga soo tago inuu wasaarado ka ahaa agaasime iyo xoghaye joogte hadana waxa uu wasiir ka soo noqday Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyo Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya muddadii u dhaxaysay 1984-kii ilaa 1990-kii, iyada oo ay usii dheereed inuu xubin ka ahaa Baarlamaankii xilligii dowladdii uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

1989-1990-kii, waxa uu xubin ka ahaa guddi farsamo ee loo xilsaaray samaynta dastuurka, kaas oo Baarlamaankii xilligaas si ku meel gaar ah u ansixiyay bishii October 1990kii.

Muddadii u dhaxaysay dabayaaqadii 1990-kii iyo bartimihii 1991-kii, waxa uu xubin ka noqday guddigii dib-u-heshiisiinta ee lagu magacaabi jiray “Guddiga Suluxa” kaas oo isku dayay in si nabad ah xukunka looga wareejiyo Maxamed Siyaad Barre, iyada oo loo marayo heshiis la dhex dhigayo Jabhadihii xiliigaas iyo dowladda.

Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu sidoo kale soo noqday Xoghayaha Joogtada iyo Madaxa Shaqaalaha Rayidka ee Soomaaliya, wuxuuna khibrad dheer u lahaa habraaca diyaarinta dastuurada iyo xallinta khilaafaadka , isagoo muddadii u dhexeysay 1970-kii illaa 1990-kii ka qayb-qaatay diyaarinta sharciyo badan oo dhaqan-galay.

Sannadkii 2008-dii, Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa Jawaari u magacaawday inuu la-taliye sare ka noqdo mashruucii diyaarinta dastuurka Soomaaliya, isaga oo kaalin mug leh ka qaatay dhismaha iyo tayaynta guddigii madaxa banaanaa ee dastuurka oo ahaa hay’addii u xilsaaraneed soo diyaarinta axdigii ku meel gaarka ee loo bedelay Dastuurka kumeel gaarka ah ee hadda lagu dhaqmo.

Hay’adaha kale ee uu Jawaari la shqeeyay waxa ka mid ah American Democratic Institute (NDI), Machadka Nabadda ee Jarmalka (MPLI) iyo Ururka Baarlamaanka Yurub (AWEPA).

Muddadii u dhaxaysay 2011-kii ilaa 2012-kii, waxa uu noqday Guddoomiyaha Guddiga Khubarada (Guddiga La-tashiga) ee ay ka shaqeynayay dib-u-eegista Qabyo-qoraalka Dastuurka Soomaaliya, waxeyna ku guuleysteen in ay diyaariyaan Dastuur kumeel gaar ah oo sugaya afti dadweyne.

Bishii Agoosto 2012, waxa uu ka mid noqday Golaha Shacabka, waxaana 28-kii Agoosto ee isla sanadkaas loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya

Guddoomiye Jawaari ayaa markii labaad loo doortay Guddoomiyaha Golaha shacabka 11-kii January ee 2017, inkasta uu xilka iska casilay kadib markii uu cadaadis kala kulmay madaxweynihii xilligaas Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maxaa laga yiri geerida Jawaari?

Madaxda hadda joogta, kuwii hore iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa si isku mid ah uga tacsiyeyay geeridiisa, waxeyna isku raaaceen inuu qayb libaax leh ku lahaa dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay Jawaari inuu ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska qaranka

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehel iyo qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo muddo dheer u soo shaqeynayey qarankeenna, dhaxal wanaagsanna uga tagay, isagoo door muuqda ka soo qaatay dib u soo celinta dowladnimada Soomaaliya”. ayuu yiri, Madaxweyne Xasan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, isaga oo ku tilmaamay inuu ahaa shaqsi wakhti badan usoo huray dowladnimada Soomaaliyeed mudo aad u badanna Qaranka usoo adeegay.

“Innaa lillaah wa innaa ileehi raajicuun illaahey ha u naxriisto Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waa uu ahaa oday iyo siyaasi cimrigiisa inta ugu badan kusoo qaatay u adeegida Qaranka Soomaaliyeed,sidoo kalena kaalin weyn ka qaatay dhisida dowladnimada Soomaaliya” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu Shacabka Soomaaliyeed ku dhex lahaa taariikh aan la iloobi doonin.

Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, isaga oo sheegay in Qaranka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uu ka baxay tiir aad muhiim ugu ahaa dowlad dhiska Soomaaliyeed. Waxa uu ku tilmaamay Marxuum Jawaari in uu ahaa siyaasi waayo arag ah oo muddo ka badan 60 sano ka soo shaqeeyay dowladnimada Soomaaliya, isla markaana ay ku gaamurtay maamul dowladnimo oo dhameystiran.

Madaxweynihii xilligii kumeel gaarka, Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale ka mid ah siyaasyiinta uga tacsiyeeysay shacabka Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay Jawaari, waxa uuna ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook in Marxuumku taariikh mug weyn ku lahaa ummada Soomaaliyeed dhexdeeda, isaga oo gacan ka gaystay dib u qorida dastuurka dalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo billaawgii xilligiisa uu Jawaari ahaa Guddoomiye Baarlamaan ayaa bulshada Soomaaliyeed iyo qoyskiisaba la wadaagay tacsi.

Farmaajo ayaa sheegay in Marxuumku inta badan noloshiisa usoo adeegayey shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed, isaga oo door muhiim ah ka soo qaatay dowlad dhiska dalka.

Aas-qaran: Shakhsi qaran oo geeriyooday todobaadki qaranka

Dowladdda ayaa magacaawday Guddi heer qaran ah oo ka kooban wasiiro iyo mas’uuliyiin kale kuwaas oo loo xilsaaray inay ka shaqeeyeen sidii aas-qaran loogu samayn lahaa Marxuumka, waxaana lagu duugay qabuuraha Sheekh Cali Suufi ee magaalada Muqdisho.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here