Monday, September 16, 2024

Dowlada oo xaqiijisay warbixintii Dawan ee wadahadallada Soomaaliya iyo Ethiopia

Qaahira (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay warbixintii uu Dawan TV horay u baahiyay ee ku saabsaneed in wadahadllo toos ah ay la galayso Ethiopia iyada oo ay dowladda Turkigu dhexdhexaadinayso.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu yiri’; ” Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Ankara, Turkiga, halkaas oo ay uga qeybgalayaan wadahadallo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay garwadeen ka tahay dowladda Turkiga”

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in dowladda Soomaaliya ay ku taagantahay mabda’eeda ah ilaalinta madaxbanaanida, gobonnimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here