Niger (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Belgium-ka ayaa ku dhawaaqday inay soo dhamaatay daadgureynta muwaadiniintii ka joogay dalka Niger.
Wasaaradda oo bayaan kasoo saartay daadgureynta muwaadiniinteeda ayaa sheegtay in 130 qof laga soo qaaday Niger tan iyo bilowgii bishaan August.
Bayaanka ayaa intaa ku daray in daadgureynta loo adeegsaday diyaarad ciidan oo lasoo marsiiyay dalka Gabon.
Xubno ka tirsan ilaalada madaxtooyada Niger ayaa af-gembiyay 26-kii bisha July Madaxweyne Maxamed Bazoum, waxeyna ku dhawaaqeen in laalay dastuurka, lana sameeyay “Golaha Badbaadinta Qaranka”.
Dowladaha Africa ayaa ku kala qeybsamay qaabka lagu xallinayo arrinta dalka Niger, waxeyna qaarkood soo jeediyeen in lagu xalliyo fara-gelin ciidan halka kuwa kale ay soo bandhigeen in wada hadal iyo qaab siyaasadeed looga gudbi karo dhibaatada dalka Niger.