Monday, September 16, 2024

Dowladda iyo shirkadda Hormuud oo iska kaashanaya ilaalinta deegaanka

Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Soomaaliya ayaa la gashay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom heshiis iskaashi oo wax looga qabanayo dhibaatooyibnka ka dhasha isbedelada cimilada.

“Iyada oo laga duulayo kaalinta muhiimka ah ay dalka u leeyihiin Shirkadaha gaarka loo leeyahay, ayay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada – JFS iyo Shirkadda Hormuud Telecom kala saxiixdeen is-faham guud oo ku aadan siddii labada dhinac ay iskaga kaashan la haayeen arrimaha la xiriira ilaalinta deegaanka iyo wax ka qabashada isbeddelka cimilada” ayaa lagu yiri, qoraal ay soo saaray Wasaaraddu.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in ujeedka heshiiskan uu yahay in shirkada Hormuud ay ka qayb qaadato dadaallada ay wado Wasaaradda ee lagula tacaalayo dhibaatooyinka ka dhasha saamaynta isbeddelka cimilada, xaalufinta dhirta iyo burburka deegaanka, iyada oo ka qayb qaadan doontaa wacyi gelinta, dhir-beerista iyo iswaydaarsiga xogaha iyo aqoonta.

Muaansabadda heshiiska oo ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaa qalinka ku duugay Wasiir Khadija Mohamed Al-makhzoumi iyo Gudoomiyaha Shirkada Hormuud Axmed Yuusuf.

Wasiir Khadiija ayaa tiri; ” “Wadashaqeyntan waxay calaamad u tahay in tillaabo muhiim ah loo qaaday sii ilaalinta deegaanka iyo in jiilalka mustaqbalka ku noolaadaan dhul badqab leh”

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa ballan qaaday inay gacan ka gaysan doonto dadaallada kala duwan ee looga hortagayo xaalufinta dhirta iyo horumarinta daryeelka deegaanka, iyada oo kaalin muhiim ah ka ciyaari doontaa ololaha wacyigelinta iyo barnaamijyada loogu talagalay in lagu kobciyo in dadku fahmaan mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta deegaankooda.

Gudoomiyaha Shirkada Hormuud Axmed Yuusuf ayaa yiri; ” heshiiska is-afgaradka ah, waxa uu ka tarjumayaa aragtida aan wadaagno ee ah Soomaaliya oo cagaar ah”

Shirkadda Hormuud ayaa barta ay ku leedahay Facebook kusoo qortay; “Waxaa xusid mudan in aan mas’uuliyad iska saarnay deegaanka, oo 84% uu qalabkeennu ku shaqeeyo tamarta laga dhaliyo cadceedda, waxaana mustaqbalka dhow hiigsaneynaa in tamarta aan isticmaalno ay noqoto 100% mid la cusboonaysiin karo, taas oo u daneynaysa dadkeenna iyo deegaankeenna”.

Iskaashigan istaraatiijiyadeed wuxuu hoosta ka xariiqayaa iskaashiga xoogan ee ka dhaxeeya dowladda iyo shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay, si wax looga qabto arrimaha deegaanka iyo u adkaysiga isbedelka cimilada Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here