Monday, September 16, 2024

Dowladda oo beenisay inuu jiro qorshe ay ku wareejineyso maamulka hawada

Muqdisho (Dawan)- Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa beenisay in dal kale lagu wareejinayo maamulka hawada Soomaaliya kadib markii Madxaweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku eedeeyey dowladda in ay waddo qorshe ay Hadawada Soomalaiya ugu wareejineeso dowladda Imaaraadka Carabta.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegeyso in hawada Soomaaliya aysan gacanta u geli karin cid kale, isla markaana aysan jirin wax qorshe ah oo dowladda Soomaaliya ogtahay oo suurto gal ka dhigi kara in hawada Soomaaliya lagu wareejiyo maamul kale.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ummadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa in aanay suurtogal ahayn in HAWADA dalka ay gacan kale umaamusho Soomaaliya mana jiro qorshe ay Dawladdu ogtahay oo arintaa suurtogal kadhigi kara” sidaas waxaa u dhignaa qoraal kooban oo kasoo baxay hay’adda wax yar kadib eedeyntii Farmaajo.

Hay’adda ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqday in hawada Soomaaliya ay tahay astaan qaran oo muhiim ah, lagana sameeyey horumar lataaban karo tan iyo markii ay dib ugu soo laabatay gacanta dowladda Soomaaliya.

Warkan ayaa daba socday xilli madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu ka digay in maamulka hawada Soomaaliyeed lagu wareejiyo dal shisheeye, sida uu ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray.

Farmaajo ayaa sheegay in gacan ku haynta maamulka hawadu ay tahay arrin taabanaysa amniga qaranka iyo madaxbannaanida dalka, wuxuuna tilmaamay inuu jiro qorshe lagu doonayo in maamulka hawada lagu wareejiyo dowladda Imaaraadka Carabta.

Farmaajo ayaa intaas ku daray in soo celinta maamulka hawada dalka lagu bixiyey dadaal ay huray khubaro Soomaaliyeed, hanti iyo qorsheyaal diblumaasiyadeed oo adag. Wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in dano shakhsi ah oo aan laga fiirsan awgeed maanta loo burburiyo dhaxalkaas ay wadaagaan shacabka Soomaaliyeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here