Thursday, September 19, 2024

Dowladda oo ciidanka ka saareysa askarta balwadda leh

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in askarigii lagu arkoo inuu balwad leeyahy inuusan ka kasii mid noqon doonin ciidanka dowladda.

Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka hor sheegay cutubyo ku wajahan furimaha dagaalka iyo ciidamo tababar gaar ah ugu amba baxaya dalka Turkiga, xilli uu shalay booqday dugsiyada tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee Jeneraal Dhaga-badan, TurkSom iyo Jeneraal Daa’uud.

“Ninkii lagu arko inuu balwad leeyahay, waa iska tegaya, nagama tirsana, si khalad ayuu kusoo galay meeshaan. Balwaddu waa cudur, adiga qof ahaan kuu daran” ayuu yiri, Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in balwaddu ay qeyb qaadato waxyaabaha jebiya ciidanka, isaga oo ku eedeeyay kuwa balwadda leh in ay u adeegayaan Al-Shabaab, waxa uuna yiri;

“Nin balwad la wareegaya ciidanka dhaxdiisa haddaad aragto, Shabaab ayuu u adeegayaa, waa cadaw qabo, waa kii in lagu dilo ka shaqeynaayay, kii in lagu qarxiyo ka shaqeynaayay waaye”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here