Sunday, September 8, 2024

Dowladda oo sheegtay in ay curyaamisay dhaqaalaha A S

Muqdisho (Dawan)- Warbixin ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in lagu guuleystay in la yareeyo lacagihii ay kooxda Al-shabaab ka qaadi jirtay shacabka taas oo qeyb ka ah dagaalka ay dowladdu ku curyaamineyso dhaqaalaha usoo xarooda Al-shabaab.

Warbixinta dowladda ayaa lagu sheegay in Al-shabaab heli jirtay sannadkii lacag lagu qiyaasay 100M ilaa 150 Million oo dollar, taas oo 50% ay kasoo geli jirtay Caasimadda Muqdishu.

Madaxweynaha Soomaaliya , Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay markii la doortay inuu dagaal seddex geesood ah ku qaadayo Al-shabaab, waxaana ka mid ahaa dagaalka dhaqaalaha.

Sida ay warbixintu xustay, Sirdoonka Soomaaliya ayaa soo afjaray Shabakado badan oo ay Kooxda Al-shabaab dhinaca dhaqaalaha u isticmaali jireen kuwaas oo isagu jira Nootaayooyin, Shirkado ganacsi, Dallaaliin, iyo xubno shaqadoodu ahayd in ay xogta ganacsi la wadaagaan Kooxda Al-shabaab.

Baaritaanka ay sameysay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa lagu ogaaday Ilaa seddax shirkadood oo ku lug lahaa shaqooyin la xiriira Al-shabaab, waxaana la joojiyay shaqadii ay qaban jireen.

Sidoo kale, dowladda ayaa xirtay 350 account Banki, 405 Telefoon iyo 18 Koonto ganacsi (Merchant) kuwaas oo dhammaantood Al-shabaab isticmaali jirtay, sida lagu sheegay warbixinta.

Warbixintu waxay intaas sii raacisay in Tirade guud ee lacagaha lagu Xayiray (Koontada bangiyada, Koontooyinka ganacsiga (Merchants) iyo  Telefoon-nada gacanta ay gaareyso, hal milyan shan boqol tobban iyo sagaal kun, shan boqol toddobaatan iyo shan doolar iyo konton iyo shan sint ($1,519,575.55).

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here